4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Madaxweynaha Zimbabwe oo u Dabaal-dagay 91-sano guuradii Dhalashadiisa


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe isla markaana ah guddoomiyaha sannadkan ee Midowga Afrika ayaa Sabtidii shalay u dabaal-dagay sannad-guuradii 91-aad ee kasoo wareegtay dhalashadiisa.

Xafladda dabaal-dagga dhalashadiisa waxaa kala qayb-gashay haweeneyda u dhacda ee Grace, waxaana goobta oo dhan lagu xardhay waxyaabo aad u kala duwan oo soo jiidanaya indhaha dadka.

Khudbad 90-daqiiqo socotay oo uu Mugabe ka jeediyay munaasabadda ayuu ku sheegay in dalka Mareykanka uu cunno-qabteyn saaray Zimababwe iyo isaga laftiisa, wuxuuna taas ku tilmaamay inay tahay xad-gudud weyn oo lagula kacay.

“Mareykanku haddii ay doonayaan inay saaxiibbo nala noqdaan waa mid aan u ogol nahay, balse waa inay qaataan hadba sida aan u rabo inay dalkeenna u soo booqdaan,” ayuu yiri Mugabe.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Laakiin ma oran karaan, dadkeena u ogolow inay booqdaan Zimbabwe, u ogolow inay goobaha dalxiiska tagaan oo ay libaaxyadeenna dilal u geystaan ama ay dalkooda u qaataan ugaarteenna.”

Kooxaha mucaaradka ah ee Zimbabwe ayaa ku tilmaamay dabaal-dagga uu u sameeyay madaxweynaha Zimababwe sannad-guuradiisii 91-aad ee kasoo wareegtay dhalashadiisii mid fisqi ah.

“Lacagta badan ee uu Mugabe ku bixinayo xusha dhalashadiisii 91-aad waxay ahayd inuu u weeciyo dhinaca dhismaha iskuullada burburay, isbitaallada dadweynaha, nadaafadda iyo iskuullada gobolka waqooyiga ku yaalla ee Matebeleland," ayuu yiri afhayeenka axsaabta mucaaradka dalka Zimbabwe, Obert Gutu oo warbaahinta la hadlay.

Madaxweynaha Zimbabawe Robert Mugabe ayaa xukumayay dalkaas tan iyo markii uu xorriyadiisa ka qaatay Britain sannadkii 1980-kii, isagoo noqonaya madaxweynaha ugu da’da weyn caalamka oo dhan.

Boorarkii lagu soo dhaweynayay Mugabe ayaa waxaa ku qornaa erayo ay ka mid yihiin; ‘Tusaalihii Kacdoonkii Zimbabwe’ iyadoo taageerayaashiisana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen; ‘Horay u soco madaxweyne Mugabe’ waxaana cod-baahiyeyaal goobta la keenay ayaa lagu baahinayay erayo ay ka mid ahaayeen; ‘caafimaad wanaagsan ayaan kuu rajeynaynaa’.

Si kastaba ha ahaatee, dadka siyaasadda Zimbabwe indho-indheeya ayaa qaba fikrado kala duwan, iyadoo qaarkood ay sheegayaan inuu yahay hoggaamiye wanaagsan oo dalkiisa ku hoggaaminaya waddo wanaagsan, halka kuwo kalena ay ugu yeerayaan inuu yahay nin si cad u booba hantida dalkiisa, wax walbana oo uu doonayana awood ku meel-marsada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya