4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Guddoomiyaha Xisbiga Xiis oo Mombasa kula kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Magaalada Mombasa ee xarunta gobalka Xeebta dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay guddomiyaha Xisbiga isbahaysiga isbedel-doonka Soomaaliyeed ee XIIS, C/llaahi Ciil-mooge Xirsi oo booqasho ku joogo Kenya.

Guddoomiyaha Xisbiga XIIS oo horay u soo noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Dowladda Somalia ayaa sidoo kale kulan kula qaatay Mombasa Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaaladaas, xili ay u sameeyeen Xaflada soo dhaweyn aheyd.

C/llaahi Ciil-Mooge, ayaa u sheegay  Jaaliyada Mombasa, ujeeddada guud ee loo aasaasay Xisbiga uu hormuudka ka yahay iyo waliba waxyaabaha ay higsanayaan.

Kulanka uu la qaatay Bulshada ku dhaqan gobalka Xeebta Kenya ,waxaa ka qeyb galay Hogaanka sare ee Jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan. Xog-hayaha guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Mombasa Bile Warsame. Xog-hayaha dhinaca Abaabulka u qaabilsan Jaaliyadda Abdulkadir Jeylani. Afhayeenka Jaaliyadaas Mahad Nuur Walaaloow iyo waliba qaar ka mid ah Culumo'Awdiinka, Ganacastada iyo Siyaasiyiinta Magaaladaas.

Dhanka kale, C/llaahi Ciil-mooge Xirsi Gudoomiyaha Xisbiga XIIS, ayaa oga mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb galay xafladii soo dhaweynta aheyd ee loo sameyay, isagoona sheegay in magaalada Mombasa ay ka mid tahay meelihii ugu horeeyay oo ay dadka Somaaliyeed u qaxeen ; 25 sano ka hor markii dagaaladii sokeeye ay ka qarxeen Somalia.

Wuxuu sidoo kale uga warbixiyay dadkii kasoo qayb-galay kulankaas, xaaladda ka jirto Soomaaliya oo uu ku tilmaamay iney tahay mid is badal weyn laga filan karo Hiigsiga sanadka 2016.

Xisbigiisa cusub ee XIIS, ayuu ku sheegay Cabdullaahi Ciil-Mooge, inuu yahay mid aqoon iyo sinaan ku dhisan; isla markaana la damacsan yahay in wax looga qabto dhibaatada ka jirto Soomaaliya. Isagoona sheegay in  9 qodob ay aas-aas u yihiin Xisbigaas.

"Xisbiga XIIS waxaa aasaas u ah sagaal qodob oo ay ka mid yihiin; amniga, caddaaladda, dib-u-heshiisiinta, xoojinta sharciga, dhismaha hay’adaha dowladda & adeegga bulshada," ayuu yiri C/llaahi Ciil-Mooge oo intaa ku daray inuu dhawraayo xorriyadda isla markaasna uu xoojinaayo Doorka Dumarka iyo dhallinyarada.

Xog-hayaha guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Mombasa Bile Warsame, ayaa ku amaanay Hogaamiyaha Xisbiga XIIS howshii uu qabtay xiligii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, isagoo sidoo kalana sheegay in Soomaalida ku nool wadanka Kenya ay mudo dheer rajo la'aan ku noolaayeen, balse hada ay jiraan ififaalooyin ka soo baxaayo Somalia oo rajo galinaayo.

Afhayeenka Jaaliyadda, Mahad Nuur  Walaaloow iyo xoghayaha Abaabulka Cabdulqaadir Jaylaani ayaa iyaguna tilmaamay iny jiraan dhibaatooyinka Xabsiyada Kenya ku haystaan dad badan oo Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la helo dowlad u doodo xaquuqda Muwaadinintaas dhiban.

Siyaasiga Maxamed Maye oo horay la taliye ugu ahaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay xaflada wuxuu ku sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay nidaam dhisan, cadaalad iyo kala dambeyn, isagoona rajo ka muujiyay hadii laga gudbo isqab-qabsiga iyo nin jacleysiga, in horumar laga kaari karo xasilinta Somalia.

Si kastaba ha ahaatee booqashada uu Cabdullaahi Ciil-Mooge Xirsi ku joogo magaalada Mombasa ee xarunta gobalka xeebta Kenya, ayaa waxay qayb ka tahay safarro uu ku kala bixinayo waddamo kala duwan, isla markaasna uu bulshada Soomaaliyeed ug dhaadhicin doono ahdaafta xisigaba cusub ee uu dhawaan kaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya