4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
ISTANBUUL: Wadahadallada Soomaaliya & Somaliland oo goor-dhow furmaya


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Wareeggii sideedaad ee wadahadallada dowladda FS iyo maamulka Somaliland ayaa goor-dhow ka furmaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, iyadoo si toos ah isku hor-fariisan doonaan wafuudda labada dhinac ka kala socda.

Somaliland ayaa socoshada shirka ku xirtay shuruud adag oo ah in haddii ay ka mid yihiin ergada matalaysa dowladda Soomaaliya xubno kasoo jeeda deegaannada Somaliland ay ka bixi doonaan shirka, inkastoo la ogeyn sida ay wax noqon doonaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo horkacaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka ayaa hadal uu baahiyay ku sheegay inuu rajeynayo inay natiijo wanagsan shirkan kasoo baxdo.

Sidoo kale, wasiirka madaxtooyada Somaliland, Xirsi Xaaji Cali Xasan oo isna ka mid ah wafdiga matalaya maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan ka filayn in wadahadallada natiijo wanaagsan kasoo baxdo, maadaama aan la fulin qodobadii ay labada geesood horay ugu heshiiyeen.

Waxaa kaloo uu Xirsi Xaaji Cali ka codsaday xubnaha ka socda dowladda Soomaaliya in ay ogolaadaan in muhiimadda loo daadego; taasoo ah sida uu sheegay in laga hadlo gooni-isku-taagga Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, lama saadaalin karo natiijada kasoo bixi karta shirka Soomaaliya iyo Somaliland maanta markii sideedaad uga furmaya dalka Turkiga, kaasoo ay gar-wadeen ka tahay xukuumadda Ankara.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya