4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
SAWIRRO: Dhaawacyadii weeraradii Central Hotel oo loo qaaday Imaaraadka


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa laga dhoofiyay maanta 13-ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee bishii hore ka dhacay Hoteelka Centarl ee Magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada maanta laga duuliyay Muqdisho ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah; iyadoo loo qaaday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta halkaa oo lagu soo daweynayo.

Wasiiradda caafimaadka Somalia, Xaawo Xasan Maxamed oo warbaahinta kula hadashay garoonka ayaa sheegay in dadkan oo qaba dhaawacyo culus loo qaaday xarumo caafimaad oo kuyaala dalka Imaaraadka Carabta.

“Waxaa dhaawacyo halis ah qaba 41-ruux, kuwa maanta la qaadayo inta ka hartay waxay u baahan yihiin in dibadda loo qaado daweyn. Dowlado badan ayaana kasoo jawaabay codsi ay dowladdu horay ugu dirtay,” ayay tiri wasiiradda caafimaadka Soomaaliya.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa laba diyaaradood u soo dirtay Muqdisho si loogu qaado dhaawacyadan ka mid ah kuwii ku dhaawacmay Central Hotel, kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/salaam Hadliye Cumar oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dalal kale oo caalamka oo ay codsiyo u dirsadeen loo qaaday qaar ka kale oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Hotel Central.

Ugu dambeyn, Suleymaan Ibraahim Maxamed  oo ka mida dhaawacyadii maanta la qaaday ayaa ka mahad weyn u jeediyay xukuumadda isku-tagga Imaaraadka Carabta oo noqotay dowladdii ugu horreysay oo kasoo jawaabta baaqii dowladda Soomaaliya ay u jeedisay.

Weli ma jirto cid loo qabtay weerarkaas, iyadoo ay ku dhinteen 25-qof oo ay ku jiraan laba xilhdibaan iyo guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee gobolka Banaadir, waxaa kaloo ku dhaawacmay kontomeeyo qof oo uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia oo loo qaaday dalka Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayay dowladda Somalia sheegatay inay ka dambeeyeen wiil iyo gabar ka yimid dalka Holland, kuwaasoo laba qarax oo loo kala adeegsaday gaari iyo qof isku xiray waxyaabaha qarxa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya