4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Dowladda oo shaacisay inay diyaar u tahay dedejinta Wadahadallada Turkiga


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) —Dowladda Somalia ayaa sheegay inay u dirtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, C/raxmaaan Maxamed Xuseen (Odowaa), wafdigaas oo ka kooban wasiirro, xildhibaanno iyo xubno la sheegay inay yihiin kuwo farsamo.

Dirista warfdigan ayay dowladda FS ku sheegtay inay ku timid heshiiskii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaareen magaalada Jabuuti bishii December 2014-kii.

Wafdiga oo damaanad buuxda ka haysta dowladda Somalia, wuxuu diyaar u yahay inuu la fariisto wafdiga Somaliland ka socda oo ku sugan Istanbul si loo guda-galo wadaxaajood ku salaysan qodobbadii ay ku heshiiyeen labada madaxweyne oo ay ka mid tahay in la billaabo ka hadlidda arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale, wafdiga dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inuu dadaal walba ku bixiyo midnimada Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya. Iyadoo intaas ay dowladdu ku dartay inay uga mahadcelinayaan qabashada wadahadalkan dowladda Turkiga marti-gelinta labada wafdi iyo dhiirri-gelinta wadahadalada labada dhinac u dhexeeya.

Ugu dambeyn, dowladda Somalia iyo maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer ku kulmay dalka Turkiga, iyadoo qodobbadii ay ku heshiiyeen aanay jirin weli wax laga hirgeliyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya