4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Dib u dhac ku yimid Shirkii dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe ee Cadaado

Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Dib-u-dhac ayaa ku yimid shirkii dhismaha maamulka gobollada dhexe ee qorshuhu ahaa in maanta oo Axad ah 01, Maarso 2015  si rasmi ah uga furmo magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud oo 10 bishii ina dhaaftay ee Feberaayo khudbad ka jeediyay shir-weynaha dib-u-hishiisiinta ka soconaya degmada Dhuusa-mareeb, ayaa ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka u sheegay in 01, bisha Maarso oo ku beegan maanta leysugu tago degmada Cadaado oo uu ka furmayo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Madaxa ammniga guddiga farsamada ee dhismaha maamulka gobollada dhexe Cuuke Xaaji C/raxmaan oo warbaahinta la hadllay ayaa dib-u-dhaca ku yimid shirka ku micneeyay arrimo farsamo, isaga oo sheegay in sababta ugu weyn tahay ciidammadii loogu talagalay sugida ammniga oo aan wali soo gaarin degmada.

Ma uusan sheegin waqti rasmi ah oo uu shirku furmayo, hasse ahaatee dib-u-dhaca ayaa waxaa qayb ka ah sida wararka ay sheegayaan shirka ka soconaya degmada Dhuusa-mareeb oo waqti kordhin loo sameeyay, waxaana halkaa joogay inta badan ergadii loo baahnaa inay shirka Cadaado ka qeyb-gallaan.

Dhawaan waxaa Cadaado tagay saraakiil ka soctay howlgalka midowgga Africa AMISOM kuwaa oo kormeeray goobaha loogu talagalay in ay degnaa ciidammada sugaya ammniga shir-weynaha dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Inkastoo dowladdu sheegtay in ay ka go'an tahay dhismaha maamulka gobollada dhexe, ayaa haddana dhinaca kale gobolka Galguduud qeybo ka mid ah waxaa ka jira xiisado colaadeed oo u dhaxeeya maamulka dowladda ee gobolka iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya