4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
BIIXI: Shirka waan ka baxi haddii ay soo fariistaan Xubno reer Somaliland ah


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Wadahadallada dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa maanta la filayaa inay ka furmaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kafdib markii ay gaareen dalkaas wufuud dhinacyada ka kala socota.

Labada wafdi ayaa xalay kuwada casheeyay hotelka ay deggen yihiin, iyadoo si rasmi ah maanta loo gudo-geli doono ajandayaasha wadahadallada labada geesood, kaasoo ka duwanaan doona kuwii hore.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wadahadalladan oo muddo soo socday, uu rajo weyn ka qabto in loo gudbo ka hadalka arrimaha masiiriga ah.

“Wadahadallada muddo ayay socdeen, midkii u dambeeysayna waxay ahayd 21-kii December sanadkii hore oo labada madaxweyne ay ku kulmeen dalka Jabuuti, halkaasoo ay ku kala saxiixdeen heshiis uu qodob ka mid ah ahaa in arrimaha masiiriga laga wada hadlo,” ayuu yiri Yoonis.

Sidoo kale, Biixi ayaa sheegay inaanay aqbali doonin in xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee ka tirsan dowladda Somalia ay shirka soo fariistaan, isagoo tilmaamay in haddii ay taasi dhacdo ay shirka ka baxayaan.

“Marna ogolaan mayno in dad reer Somaliland ah ay shirka soo fariistaan, iyagoo matalaya dowladda Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Biixi oo intaa ku daray in dhinacyada ay la hadlayaan ay yihiin Koofur oo keliya, balse aysan la hadli doonin dad deegaankooda kasoo jeeda.

Ugu dambeyn, wafdiga Soomaaliya u matalaya wadahadallada ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, C/raxmaan Odawaa, iyadoo ay xubno ka yihiin wafdiga wasiirada warfaafinta Maareeye, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Jaamac Jengeli, Saciid Qoorshee iyo xubno kale.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga waxyaabaha kasoo bixi kara wadahadalkan maanta furmaya, iyadoo durba Somaliland ay ka afeefanayso in shirka laga soo qayb-geliyo xubno kasoo jeeda deegaannadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya