4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Shariif Xasan oo Dhagax-dhigay Isbitaal lagu Daweynayo Dadka Dhimirka La’


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa wuxuu maanta dhagax-dhigay isbitaal loo dhisayo dadka miyirka la' ee magaalada Baydhabo ku nool, iyadoo uu wehliyay wasiirka caafimaadka, Isaaq Cali Subag, wasiirka Amniga C/fataax Geesey, xil. Ibraahim Yaroow, xil. Yacquub Maxamed Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka.

Dhismaha isbitaalkan ayaa waxaa ballan-qaadey inay dhisayso hay’adda DDG, taasoo xilli hore Baydhabo ka fulisay mashaariic looga daneynayo bulshada ku nool xarunta gobolka Bay ee Baydhabo.

Halka la dhagax-dhigay isbitaalka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka caafimaada Koonfur-galbeed Isaaq Cali Subag, isagoo sheegay inay tahay howl la qabto midda ugu wanaagsan, isagoo ugu dambeyn kusoo dhaweeyay hadalka madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhiirri-geliyey hay’adaha samafalka in ay bulshada u qabtaan wax la taaban karo oo faa’iido leh, isagoo isbitalkana ku tilmaamay mid wax weyn ka bedelaya xaaladda dadka madaxa looga jiro.

Dadka maskaxda ka xanuunsan ayaa waxay hadda lagu daweeyaan guri kiro ah, iyadoo halkaas ku sugan yihiin dhakhaatiir ku taqasusay cudurrada ku dhaca maskaxda.

Ugu dambeyn, dadka miyirka la’ ee gurigaas kirada ah lagu daweynayo ayaa gaaraya 68-qof; iyadoo ay jiraan dad badan oo horay loo daweeyay dibna ugu laabtay guryahoodii iyo deegaannadoodii.

Hiiraan Online, Baydhabo