4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Markab Lo’ ka qaaday Dekedda Muqdisho oo ku dagay Xeebaha dalka Cumaan


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Markab xoolo badan oo Lo’ ah ka qaaday dekedda weyn ee magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dagay xeebaha Ras Al-had oo ku taalla Koonfur-bari dalka Cumaan.

Warbaahinta Carabta ayaa qortay in markabkan ay duufaano ku dhufteen shalay xilli uu marayay biyaha Cummaan, uuna ciirsaday dhanka xeebta, hase yeeshee uu ugu dambeyn quusay.

Markabka ayaa siday 350 neef oo lo’ ah, waxaana la sheegay inuu iska lahaa muwaadin u dhashay Cajmaan oo ka tirsan waddanka Imaaraadka Carabta, halka shaqaalaha la socday ay ahaayeen reer Pakistan.

Xoolihii iyo shaqaalihii saarnaa markabka ayaa gabi ahaantood badbaaday kaddib markii ay gurmad u fidiyeen ilaalada xeebaha waddanka Cummaan, iyadoo illaa hadda aysan jirin wax khasaare ah oo lasoo wariyay inay goobta ka dhasheen, hase ahaatee markabka ayaa biyaha galay kaddibna burburay.

Lo’dan ayaa ahayd tii ugu horreysay oo muddo sannado ah kaddib dekedda Muqdisho laga dhoofiyo, iyadoo markii laga dhoofinayay Muqdisho ay ka hadleen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo sheegay inay tani qayb ka tahay horumarinta dhaqaalaha Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya