4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Wariyeyaal & Milkiilaha Radio Shabelle oo Maanta la Hor-geynayo Maxkamad


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa in markii shanaad la horgeeyo wariyeyaasha iyo milkiilaha Shabeelle maxkamadda gobolka Banaadir, halkaasoo ay ka socotay dacwad ka dhan ah idaacadaha Shabelle iyo SKY FM, iyadoo sidoo kale la hor-kenayo maxkamadda wariye ka tirsan idaacadda Risaala.

Wariyeyaasha Shabelle ee kala ah; Maxamed Bashiir Xaashi, Maxamuud Maxamed Dahir Carab oo muddo lix bilood u xirnaa dowladda iyo milkiilaha idaacadda, C/maalik Yuusuf Maxamed iyo wariye Axmed Cabdi Xasan oo labadaba damaanad ku jooga banaanka ayaa lasoo taagayaa maxkamadda.

Garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur ayaa horay u go’aamiyay in wariyeyaashan maxkamadda la horkeeno 01-da March oo ah maanta, inkastoo horay maxkamaddu ay xeer-ilaalinta ku celisay dacwaddii wariyeyaashan loo haystay, taasoo ay ku sheegtay inaysan dhameystirnayn.

Qareennada u doodaya wariyeyaashan ayaa sheegay in dacwadaha loo haysto qaarkood aanay sax ahayn, isla markaana loo baahan yahay in maxkamadda ay si rasmi ah u kala caddeyso waxa lagu heysto wariyeyaashan.

Sidoo kale, ehellada wariyeyaashan muddada fog xiranaa ayaa dalbanaya in ay helaan cadaalad oo aanay sii dheeraan maxkamadeynta wariyeyaashan, waxayna sheegaan inay baqdin ka qabaan in xaalad caafimaad darro ay soo wajahdo.

Wariye ka tirsan Idaacadda Risaala, Maxamed Cabdi Cali ayaa wuxuu isna ka mid yahay wariyeyaasha maanta la horkeenayo maxkamadda gobolka Banaadir iyadoo wariyahan loo haysto warbixin ku saabsan Ebola uu kasii daayay idaacadda.

Idaacadaha Shabelle iyo SKFM ayaa lagu xiray howlgal ciidamada amniga ku qaadeen bishii Ogoosto ee sannadkii hore, kaddib markii lagu eedeeyay inay baahisay warar ka dhan ah ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya