4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 1 , 2015
Wasiir ka mid ah kuwii uu Magacaabay Axmed Siilaanyo oo diiday xilka Cusub


Axad, Maarso 01, 2015 (HOL) — Wasiirka waxbarashada & Tacliinta sare ee Somaliland, C/casiis Maxamed Samaale, oo horay u hayay xilka wasiirka maaliyadda Somaliland ayaa iska-diiday xilka uu madaxweyne Siilaanyo ugu magacaabay isku-shaandheyntii uu ku sameeyay xukuumaddiisa.  

C/casiis Samaale ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in madaxweyne Siilaanyo aanu kala tashan xilka uu u magacaabay, sidaas darteedna uusan diyaar u aheyn inuu qabto xilkaas.

“Madaxweynuhu igalama tashan xilka uu ii magacaabay ee ah wasiirka waxbarashada & tacliinta sare ee Somaliland, haddaba waxaan caddeynayaa inaanan diyaar u ahayn qabashada xilkaas,” ayuu yiri Samaale.

Sidoo kale, wasiirkan xilka diiday ayaa sheegay in horay u soo hayay xilka wasaaradda maaliyadda oo ah xil culus, isla markaana uu haatan go’aan ku gaaray inuu shaqada ka nasto.

Wasiirkan xilka diiday ayaa wuxuu ka mid yahay xubnaha xisbiga KULMIYE ee talada Somaliland haya, isagoo ka mid ah xubnaha sida aadka ah uga dhex-muuqda xisbiga muxaafadka ah.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa wareegto uu habeen hore soo saaray ku shaaciyay isku-shaandeyn uu ku sameeyay xukuumaddiisa, sida wasiirrada, wasiir-ku-xigeennada, taliyeyaasha iyo agaasimayaasha.

C/casiis Samaale ayaa wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay oo si cad u diida xil uu u magacaabay madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo, isagoo ka mid ah xisbiga uu ka tirsan yahay madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, isku-shaandheyntan ayaa kusoo beegantay, iyadoo bisha June ee sannadkan uu xilliga shaqo ugu eg-yahay xukuumadda uu hoggaaminayo Siilaanyo, isla markaana la filayo inay doorasho dhacdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya