9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 25, 2015
Munaasabad lagu Xusayo 26-ka Juun oo Caawa ka Socota Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir


Khamiis, Juun 25, 2015 (HOL) — Xaflad lagu Xusayo 26-ka Juun oo ahayd Markii ugu horreysay oo laga taago ciidda Somalia Calan Soomaaliyeed ayaa caawa ka socota xarunta Gobolka Banaadir ee Fiisho Governo, iyadoo ay goobjoog ka yihiin inta badan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa lagu xusayaa sannad-guuradii 55-aad ee kasoo Wareegtay markii ay Soomaaliya ka xorowday gumeystyaashii Ingiriiska oo Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ka talinayay iyo Talyaaniga oo ka talinayay Gobollada Koonfureed ee dalka.

Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Xasan Muun-gaab, Xildhibaanno, Wasiirro iyo Mas’uuliyiin kale oo lagu Marti-qaaday Xafladda.

Fannaaniin Soomaaliyeed ayaa Munaasabadda ku soo Bandhigaya Heeso kala duwan oo isugu jira kuwo waddani ah iyo kuwo guubaabo ah, iyadoo Ammaanka guud ee ee goobta ay munaasabaddu ka socoto aad loo adkeeyay caawa.

Gobollada Waqooyi ee Somalia ayaa waxay xorriyadda ka qaateen Ingiriiska 26-kii Juun, 1960-kii, iyadoo sidoo kalena ay gobollada Koonfureed ee Somalia iyaguna xorriyadooda ka qaateen Talyaaniga 01-dii Luuliyo, 1960-kii.

Madaxda dowladda Somalia iyo marti-sharafta kale ee xafladda ka qaybgalaya ayaa jeedin doona khudbado kala duwan oo ku saabsan xorriyadda Somalia, iyadoo khudbooyinkooda ay u badnaan doonaan xorriyadda iyo sidoo lagu helay.

Soomaaliya ayaa waxay toddobaadkan ku jiraysaa maalmaha Xorriyadda Wadanka, iyadoo ay ka socon doonaan Muqdisho tan iyo 10-da Luuliyo Munaasabaddo lagu Xusayo 55-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya xorowday ayna labada gobol isku biireen.

Ugu dambeyn, marka la gaaro 12:00 habeenimo ee Saqda Dhexe ee Caawa ayaa Calanka Soomaaliya la suri doonaa, iyadoo madaxda dalka ay goobjoog ka noqon doonaan marka calanka Soomaaliya la taagayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya