9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2015
Naafada ku Nool Degmada Baydhabo oo Maanta loo Qaybiyay Gar-gaar Lacageed (SAWIRRO)


Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Gabdho kasoo jeeda Koofurta ee Soomaaliya ee ku nool magaalada London ee Xarunta dalka Britain oo ay horumuudka u tahay Drs Aamina Xasan Birkaan ayaa deeq lacageed maanta gaarsiyey dadka Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ku dhibaateysan.

Deeqdan oo ahayd mid loogu talo-galay bishii Barakeysan ee Ramadaan ayaa la gaarsiiyay dadka isugu jira; Indhoolayaal, Curyaanno iyo Dadka Danta-yar ah ee ku Nool Baydhabo, waxaana dadkaas qaarkood ka muuqanayay wajiyadooda diif.

Sidoo kale, deeqdan Lacageed ayaa waxaa loosoo wakiishey Dr. Fowzi Cabdi Nuur oo ah afhayeenka aqoonyahannada Koonfur-galbeed Somalia, isagoo lacagtaas u qaybiyay dadkii loogu talo-galay.

Qaar ka mid ah dadkii deeqda la gaarsiiyay ayaa ka mahadceliyay deeqda la guddoonsiiyay iyo waqtiga lagu soo beegay ah xilli ay aad ugu baahan yihiin; waxayna u mahad-celiyeen Gabdhaha reer London ee deeqdan soo dhiibay.

Gaba-gabadii waxaa hadlay, Dr. Fowzi Cabdi Nuur oo sheegay in deeqdan ay soo dhiibeen gabadhaha kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku nool London – Britain ay gaarsiiyeen dadka jilicsan ee ku nool Baydhabo, sida Naafada, Camoolayaasha iyo dadka aan awoodin inay shaqeestaan.

Dhanka kale, waxaa deeqdan ka mahadceliyay waxgaradka degmada, iyagoo si aad ah ugu rajeeyay gabdhihii soo dhiibay inuu Alle wax ka khayr badan ugu bedelo. Iyagoo xusay in lagu xusuusan doono gabadhan deeqda ay soo gaarsiiyeen dadka walaalahood ah ee danta yar.

Ugu dambeyn, inta badan marka la galo bisha barakeysan ee Ramadaan ayay Qurbo-joogta dalka dibaddiisa ku nool dibadda waxay deeqo u soo diraan Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan gudaha dalka, iyadoo Baydhabo ay hadda ka socdo barnaamij Afurin ah.

Hiiraan Online, Baydhabo