4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2015
RW ku xigeenka Somalia oo Maanta Kulan la Qaatay Warbaahinta Madaxa-bannaan (Sawirro)


Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Guddiga Heerka Qaran ee loo xirsaaray Qaban-qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda Somalia ee 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo ayaa maanta kulan kula Qaatay Xafiiska RW Soomaaliya Warbaahinta madaxa-bannaan iyo midda dowladda, iyadoo loo hadlay Kulankaan sidii looga wada Qayb-qaadan lahaa Dabaal-daga Maalmaha Xorriyadda ee Somalia.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayi (Maareeye) oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Warbaahinta Qaybaheeda kala duwan looga baahan yahay inay door-muuqda ka ciyaaraan xuska maalmaha xorriyadda, isagoo xusay muhiimadda ay u leedahay in Shacab-weynaha Soomaaliyeed loogana dhaadhicin lahaa Qiimaha ay leedahay Xorriyadda.

"Maalmaha Xoriyadda waxay maalmaha kale uga duwan yihiin, waa maalmihii uu dalku ka xoroobay ummadda Soomaaliyeed gumaystaha, waxaa laga doonayaa saxaafaddu inay Warbaahintu Door-muuqda ku yeelato Baraarujinta Shacabka Soomaaliyeed iyo Barista Qiimaha Xorriyaddu leedahay," ayuu yiri Maareeye.

RW-re ku-xigeenka Xukuumadda Somalia Maxamed Cumar Carte oo ah Guddoomiyaha Gudigga Heerka Qaran ee Qaban-qaabada Xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo ayaa ka dalbaday madaxda Warbaahinta kala duwan inay door-muuqda ka qaataan horumarinta dalkooda. Wuxuuna sidoo kale ku dhiirri-geliyay Warbaahinta inay kaalin wax ku ool ah ka qaataan Wacyigelinta bulshada, nabadda iyo hirgelinta nidaamka dowlanimo.

"Waxaa foodda nagu soo haya Maalmihii Xorriyadda Dalkeenna, kuwaasoo muhiim u ah Qaranka Soomaaliyeed, Waxaan ka doonaynaa Warbaahinta Madaxda-bannaan iyo midda Dowladaba inay Kaalin ku yeeshaan sidii Bulshada loogu Wacyigelin lahaa Muhiimadda Xorriyaddu leedahay," ayuu yiri Carte.

Ugu dambeyn, Guddigan Heerka Qaran ee uu RW-hu u magcaabay Qaban-qaabada Xuska Munaasabadaha Maalmaha xoriyadda Somalia ayaa Shaqadiisu tahay in uu Qaban-qaabiyo xuska, xiriiriyo hay’adaha ku hawlan xuska maalmaha Qaran iyo inay sugidda Ammaanka iyo Habsami-u-socodka Munaasabadaha maalmaha Xorriyadda dalka ka Qayb-qaataan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya