4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2015
SAWIRRO: Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta oo gobolka Banaadir ka bilowday Afurin


Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Iyadoo lagu jiro bisha Ramadaan ayay Hay’adda Bisha cas ee dowladda isu-tagga Imaaradka Carabta waxay Qaybinta Raashinka Af-urka ah ka billowday Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood, sida degmooyinka Hodan, Wadajir, C/casiis, Wardhiigley, Shangaani iyo Dharkeynlay; taasoo ay ka faa’iidaysanayaa 5,000 oo Qof.

Cali-daacad Cabdul Aadam oo wakiil ka ah deeqdan afurinta ee Bisha Cas ee Imaaradka Carabtu bixinayeen oo Warbaahinta kula hadlayay degmada Wardhiigley oo markaas ay ka socotay qaybinta raashinkan bisil ee iskugu jira Afurka,Cashada iyo Saxuurta ayaa sheegay inay deeqdan afurinta ee ka timid Imaaradka Carabta ay si habsami ah u gaarsiiyeen qaybo kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhaahiro Cabdi Saalim oo ah hooyo kamida dadka danyarta ee ku dhaqan degmada Warta Nabadda ayaa si weyn uga mahad celisay deeqdan raashinka bisil ee ay soo gaarsiiyeen haya’adda Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta ,iyadoona sheegtay inay soo gaartay deeqdan raashinka bisil ee iskugu jira Afurka,Cashada iyo Saxuurta taasi oo ay jiraan dad badan oo aan awoodin inay iibsadaan afurka.

Haya’adda Bish Cas ee dowlada Imaaradka Carabta ayaa marka la gaaro bisha barakaysan ee Ramadaan waxay ka bixiyaan degmooyinka Gobolka, gaargaar isugu jira raashin iskugu jira Cayrin iyo mid bisil ,iyagoona ugu danbaynta ka qaybiya dharka Ciidda Xerooyinka ay degan yihiin dadka soo barakaycay iyo kuwa  tabaalaysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya