4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2015
Qaramada Midoobay oo soo Dhaweysay Dhaarintii Xildihbaannada Baarlamaanka Cusub ee Galmudug


Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa xustay in dhaarintii xubnaha Baarlamaanka cusub ee Galmudug ay soo dhaweynayso, kaddib Warsaxaafadeed xafiiska ergayga QM ee Somalia, Danjire Nicholas Kay laga soo saaray.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in QM ay si diirran u soo dhaweynayso dhaarintii mudanayaasha Galmudug, taasoo shalay ka dhacday degmada Cadaado ee Gobolka Gal-guduud.

Danjire Kay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida habsamida ah ee uu shirka Cadaado ku socdo, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkaas uu ka dhasho maamul wanaagsan oo hanta mas’uuliyadda shacabka ku nool Gobollada ee Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale, Wakiilka ayaa u rajeeyay baarlamanka Cusub ee Galmudug oo la dhaariyay inuu noqdo mid guta howlaha adag ee loo igmaday, isagoo ammaanay habka loosoo xulay xildhibaannada Maamulka Galmudug.

Dhanka kal, danjire Kay ayaa dowladda Soomaaaliya ugu hambalyeeyay dadaalkii dheeraa oo ay u gashay suurtagelinta shirka maamul u ameynta gobollada dhexe, isagoo ku ammaanay DFS Waxqabadkeeda Wanaagsan ee ku aaddan Shirka ka scoda Cadaado.

Ugu dambeyn, Hadalka wakiilka QM ee Somalia ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay la dhariyay xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug, iyodoo xafladdii lagu dhaarinayay uu ka qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Prof. Jawaari.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya