4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2015
Madaxweynaha Somaliland oo soo laabtay & Wariyeyaal loo diiday inay Su’aalo Waydiiyaan (SAWIRRO)


Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyey safarkii uu Itoobiya ku tagay.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisi waxa madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha golaha Guurtidda, Guddoomiyaha xisbiga kulmiye , xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

“Waxaan laba cisho ku maqnaa dalka Ethiopia, waxaanan is aragnay Ra’isal wasaaraha Ethiopia, waxaanu ka wada hadalnay in la xoojiyo xidhiidhka labada dal iyo in la xoojiyo hawlaha inaga dhexeeya oo xagga nabad galyada iyo dhinac walba ku shuqul leh”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey safarkii uu ku tagay Itoobiya, waxaanu intaas ku daray “marka safar wanaagsan oo is afgarasho leh ayaa noo dhacay, waxaan rajaynayaa in marba marka ka dambeysa xidhiidhkeenu sii fiicnaado, dalalka jaarka waxaa ina dhexeeya wada shaqayn nabad galyada Iyo dhinaca dhaqaalaha ah iyo wixii kale ee inaga dhexeeyaba. Markaa in ma walba xidhiidhka la joogteeyo way wanaagsan tahay,waxaana noo dhacay safar wanaagsan oo wax ku ool ah, inaanu halkaas ka sii wadnana waanu rajaynaynaa,” .

Madaxweynaha ayaa hadalkiisu aad u koobnaa, haseyeeshee suxufiyiintii madasha joogay ayaa isku dayey inay wax ka waydiiyaan safarkiisa iyo arrimaha doorashooyinka, nasiib darro waxaa suxufiyiintii ka hor joogsaday inay su’aalahaas weydiiyaan madaxweynaha, afhayeenka guud ee madaxweynaha Somaliland, Axmed Saleebaan dhuxul oo warbaahinta u sheegay in madaxweynuhu laba cisho oo kaliya maqnaa sidaa darteed aanay jirin wax su’aallo ah.

Intaas ka dib wariyeyaashii ayaa arrintaasi cabasho ka muujiyey, iyagoo sheegay inay khalad tahay in su’aalaha loo diido inay madaxweynaha waydiiyeen, maadaama oo aanay noqon Karin weel uun wax lagu shubto waa siday ku doodeen wariyeyaasha ka cadhooday falkaasi xun ee lagaga joojiyey in wax la waydiyo madaxweynaha.

Dhawr jeer oo hore ayey wariyeyaashu ka cawdeen in mar walba loo diido in madaxweynaha Su’aallo waydiiyaan, haseyeeshee afhayeenka madaxweynaha Dhuxul oo arrimahaaasi ka jawaabaya waxa uu ku dooday sidan “Ma Diidani In Su,aalo Madaxweynaha La Weydiiyo Lakiin Marka Boqol Saxafi Ay Halkaasi Yimadaan Oo Qaar Badan Oo Ka Mid Ahi Macno ahaan Garanayn  Su,aasha ay Weydiinayaan Saxaafada Waa La Yaqaana Oo Saxaafad faro Badan ayaa Jirta Lakiin Haddii ay Saxaafadu Is Habeyso  Wixii Dalka Wanaag Ah Iyo Dhaliilo ahba ee ka jira in Madaxweynaha La Weydiiyo Waa Mid  Caadi Ah”ayuu yidhi DHuxul.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland