4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2015
Ciidamada Uganda oo heegan loo galiyay cabsi laga qabo weeraro ay Al-shabaab ka Geysato Dalkaas

Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Afhayeen Booliska dalka Uganda, Fred Enanga ayaa u sheegay Xinhua inay heegan geliyeen cidamadooda si amniga loo sugo inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay kordhinayaan weerarrada ay ka geysanayaan dalka Somalia iyo kuwa ay ciidamadu ka joogaan inta lagu jiro bisha Ramadaan, laakiinse si cad carrabka uguma dhufan inay weerari doonaan dalka Uganda.

Booliska Uganda ayaa sheegay in hay’adahooda amniga ay heegan geliyeen kaddib markii ay heleen helnay macluumaad muujinaya in Al-shabaab ay damacsan yihiin in inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay soo weeraraan dalalka Uganda, Kenya iyo Itoobiya.

Dignintaan ayaa timid iyadoo Axadii Al-shabaab ay weerar is-miidaamin ahaa ka geysatay xarun ciidamada nabad-suggida Somalia ay ku leeyihiin Muqdisho, iyadoo mid la mid ahna ka geysatay Magaalada Cadaado.

“Axaddii lasoo dhaafay Al-shabaab waxay weerar ka geysteen Somalia, sidaas si la mid ah ayay u doonayaan inay weerarro uga geystaan dalalka kale inta lagu jiro Ramadaanka,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska dalka Uganda.

Sidoo kale, Fred Enanga ayaa intaas ku daray in ay suuragal tahay in Al-shabaab ay beegsadaan meelaha ay isugu yimaadaan bulshada, balse wuxuu sheegay si aysan taasi u dhicin inay xoojinayaan amniga goobahaasi ay bulshadu isugu timaaddo ee ku yaalla Kampala.

Ugu dambeyn, tan iyo markii Uganda ay ciidamadeeda u soo dirtay Somalia 2007-dii waxay hanjabaad kaga imaanaysay Al-shabaab, iyadoo bishii July 2010-kii ay Al-shabaab ka geysan dalkaas weerarro ay ku dhinteen 76-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya