4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2015
Xisbiga EPDRF oo la shaaciyay inuu ku Guuleystay Doorashooyinkii ka dhacay Dalka Itoobiya


Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa ka Warbixiyay Doorashadii dalkaas ka dhacday, iyagoo sheegay inuu ku Guuleystay Xisbiga EPRDF oo talada dalkaas hayay 24-kii sano ee lasoo dhaafay.

Warbixin uu guddigu soo saaray ayay ku sheegeen in dhammaan kuraastii Baarlamaanka Itoobiya oo tiradoodu tahay 547 ay dhammaantood ku guuleysteen Xisbiga talada dalkaas haya. Iyadoo doorashadan ay dhacday bishii hore ee May.

Merga Bekana oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Itoobiya oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xisbiga talada haya uu ku guuleystay doorashooyinkii Itoobiya ka dhacay, isagoo xusay in natiijadan ay tahay mid sax ah.

Xisbiga Mucaaradka dalka Itoobiya oo doorashadii sannadkii 2005-kii ka dhacay dalka Itoobiya ka helay 147 kursi oo u dhiganta 1% ayaa haatan u muuqda inaysan waxba ka helin doorashadan, iyadoo laga baqdin qabo inay dhacaan rabshado lla mid ah kuwii dhacay doorashadii hore.

Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay codadkii ku shubatay, taasoo ka dhigaysa doorashada mid aan u dhicin si cadaaladi ay ku jirto.

“Doorashadu waxay ku dhacday six or ah, cadaalada ah oo haddana ammaanka ah, waxaana la dhihi karaa waa mid si dimuqraadi ah ku dhacday,” ayuu yiri Merga oo intaas ku daray in 93.2 Milyan oo shacabka Itoobiya ah ay doorashada bishii hore dhacday ka Qayb-galeen.

Kooxaha mucaaradka ah sida isbahaysiga Medrek iyo xisbiga Samayawi ayaa ku sheegay hadal wadajir ah oo ay soo saareen in doorashada la musuqmaasuqay, sidoo kalena si xun loola dhaqmay murashaxiintooda, iyagoo ku gacan-sayray natiijada doorashada Itoobiya ee la shaaciyay.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo xisbiga uu ka tirsan yahay ee EPDRF ayaa mar kale dalka Itoobiya hoggaamin doona shanta sano ee soo socota. Iyadoo dowladda Itoobiya lagu eedeeyo inay xabsiyo ku hayso tiro badan oo siyaasiyiin iyo suxufiyiin ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya