4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2015
Gargaar Raashin ah oo la gaarsiiyay Qoxootiga Yemen ee ku sugan Deegaannada Puntland

Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Hay’adda Tadaamun oo kaashanaysa dowladda Kuwait ayaa deeq raashin ah oo  isugu jirta noocyo kala duwan gaarsiisay dad ka badan 200 oo qof oo ka soo jeeda Yemen ,kuwaasi oo dhawaan la dajiyay magaalada Qardho ee maamulka Puntland.

Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ,safaiirka Yemen ee Soomaalia Mansoor Ali iyo mas’uuliyin kale ayaa ka soo qayb-galay munaasbad lagu wareejinayay deegdan oo lagu qabtay halka ay Yamaniyiintu ka dagan-yihiin magaalada Qardho.

“Waxaan rabaa inaan halkan uga mahad-celiyo walaalaha Kuwait oo garab istaagay walaalahooda Yemen ee halkan u soo qaxay “ ayuu yiri safiirka Yemen ee Somaaliya oo ka hadlayay deeqdan iyo waxtarka ay u leedahay qaxootiga Yemen.

“Markasta Kuwayt waxa ay garab taagnayd Yemen iyo walaalaha kale ay Soomaaliyeedba si sharaf iyo ixtiraam lehna waan idin kaga guddoonnay” ayuu mar kale yiri safiirka oo tilmaamay in kaalmadan ay ku soo beegantay xilli loo baahnaa

Qof kasta oo raashin la siiyay waxaa loogu daray lacag gaaraysa $100 oo loogu tala-galay in bisha barakaysan ee Ramadaan ay kaga gudbaan sida uu sheegay madaxa  hay;adda maxaliga ah ee Tadaaamun Cabdirasaaq Cabdirixmaan oo isna la hadlay warbaahinta.

Ugu danbayn, deegaanada Puntland waxaa hadda ku sugan dad kor u dhaafaya 300 oo ka soo jeeda Yemen ,kuwaasi oo siyaabo kala duwan dib u dajin loogu sameeyay,waxaana la sheegay in tiradu ay intaa ka sii badan-karto hadii colaadaha Yemen ay sii xoogaystaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]