4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2015
Hay’ada CCA oo Muqdisho ka hirgelisay dugsi wax lagu bari doono Haweenka Maxaabiista ah


Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Xaflad lagu Daah-furayay Dugsi wax lagu bari doono Haweenka Maxaabiista ah ayaa shalay lagu qabtay Xabsiga Dhexe, iyadoo Dugsigan ay hirgelisay Hay’adda Wacyi gelinta Bulshada ee CCA.

Furitaanka Dugsigan ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiiradda Haweenka Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samatar, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir, Taliyaha Ciidamada Asluubta Jen, Bashiir Maxamed Jaamac, Madaxda Hey’adda CCA.

Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha oo ka hadashay Munaasabadda ayaa ku ammaantay dadaalka ay Hey’adda CCA wado, iyadoo xustay inay wadaan barnaamijyo lagu hormarinayo bulshada

Sidoo kale, waxaa ay sheegtay in Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka ay diiyaarinayso Sharciga Xuquuqda Gabdhaha Soomaaliyeed, iyadoo tilmaantay in tacadiyo badan loo geysto gabdhaha, isla markaana lagu xadgudubo Xuquuqdooda.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Dugsiga wax lagu bari doono Gabdhaha Maxaabiista ah, isagoo ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan in xarun Waxbarasho loo furo Maxaabiista, si sare loogu qaado Aqoontooda.

Waxaa uu u mahad celiyay Hay’adda CCA, isagoo ku bogaadiyay fikirka wanaagsan ee ay ku soo kordhiyeen horumarinta aqoonta Maxaabiista ee ku xiran xabsiga Dhexe.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac oo ka hadlay munaasabada ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda iyo nolosha Maxaabiista iyo Tallaabooyinka lagu horumarinayo Dhismaha Xabsiga.

Jen. Bashiir Goobbe ayaa uga mahad-celiyay madaxa Hay’adda CCA, inuu todobaad gudihiis ku aqbalay codsigooda, isagoo ka hirgeliyay xabsiga Dhexe Dugsi wax lagu baro Haweenka Maxaabiista ee ku xiran xabsiga.

“Hey’adda Wacyi-gelinta bulshadda ee CCA waxay muddo isbuuc ah ku fuliyeen codsiga ku aadan dhismaha Dugsiga u gaarka ah Gabdhaha Maxaabiista”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Asluubta oo hoosta ka xariiqay haddii Hay’ad kale lala kaashan lahaa dhismahaasi inay muddo saddex bilood ah ku qaadan lahayd si ay uga soo jawaabaan codsigaasi.

Guddoomiyaha Hay’adda CCA Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) ayaa sheegay isna u mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo dadaal u galay sidii maxaabiista ku jirta xabsiga ay xuquuqdooda u heli lahaayeen, isla markaana laga hormarin lahaa dhinaca aqoonta.

“Shaqaalaha Hay’adda CCA ayaa iska soo uruurisay Kharashka lagu hirgeliyey Dhismaha, mana jirto Hey’ad ama Dowlad gaar ah oo Hay’adda CCA taageero ka siiyey fulinta Dugsiga u gaarka ah Gabdhaha Maxaabiista”ayuu yiri Maxamed Cajiib oo intaa ku daray in Hey’adda CCA ay leedahay Fikirka, maalgelinta iyo Hirgelinta Dhismaha Dugsigaasi.

Sidoo kale wuxuu xusay in Hay’adda CCA ay qorshaha ugu jirto in xabsiga Dhexe ee Xamar ka hirgeliyaan Dugsi u gaar ah Ragga Maxaabiista ah, si kor loogu qaado aqoon-tooda.

Waxaa uu sheegay in marka uu Qofku aqoon leeyahay inuu Garan karo Jihadda Fiican ee Nolosha, balse marka uu qofka jaahil yahay uu had iyo jeer galayo falal dembiyeedyo ama uu noqanayo qof aan mustaqbal lahayn.

Ugu  dambeyn, Dugsigan wax lagu barayo haweenka maxaabiista ah ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo laga hirgeliyo Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya