4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2015
Madaxweyne Siilaanyo oo la Kulmay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya & Qodobadii ay Kawada Hadleen


Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku sugan Magaalada Addis ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya ayaa shalay la kulmay RW Itoobiya Hailemariam  Desalegn, kulankaasoo la sheegay in looga hadlay danaha labadda dhinac iyo sidii xidhiidhka loo sii xoojin lahaa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu kulankaasi ka soo baxay warbaahinta uga waramay wuxuu daarnaa kulankaasi iyo waxyaalaha ka wadda hadlayeen.

“Waxaanu Raysal wasaaraha Itoobiya  ka wada hadalnay danaha  labada dal,xidhiidhka labada dal oo dhinac walba leh ayaanu ka wada hadalnay,Sida  arrimaha   nabadgalyada,Shir fiican oo aanu aad  isu  afgaranay  ayaa noo qabsoomay oo aanu aad  iyo aad u soo dhawaynayno,”ayuu yidhi madaxweyne Silaanyo oo ka hadlayey qodobadda ka wada hadleen Ra’isal wasaaraha Itoobiya.

Waxaanu intaasi ku daray “Waanu  uga mahad-celinaynaa Raysal wasaaraha Itoobiya  sida sharafta iyo qiimaha leh ee uu noo soo dhaweeyay,”.

Madaxweynaha waxa kulankaasi ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha  Dibeda Somaliland Md Maxameed  Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiirka Arrimaha  Gudaha Md Cali Maxamed Warancade, Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Aadan Jaamac Galaal.

Dhinaca kale, Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo  Aamina Sheekh Maxamed jirde ayaa iyaduna kulan gaar ah la yeelatay Marwada Raysal Wasaaraha Itoobiya Roman Tasfaaye.

Kulankaasoo marwadda Ra’isal wasaaraha Itoobiya ay ku qaabishay marwadda kowaad ee Somaliland ayaa la sheegay inay ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen masaalixda  iyo wax wada  qabsiga haweenka labada wadan iyo sidii  ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta arrimaha  Haweenka.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa baryahan dambe xukuumadda ku dhalaliilayey inay xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland fiicnayn, isla markaana dadku caqabad kala kulmaan isku socodka labadda dhinac, iyadoo baryahan dambe la ogaa in Dad ku socday Itoobiya oo passpora sitay aan loo Fiiseyn, inkastoo safaaradda Itoobiya ku andoconaysay inay kala go’een Istiikariskii lagu dhajinayey Fiisayaasha.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la filaya inuu maanta dib ugu soo noqday xarunta Somaliland ee Hargeysa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland