4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2015
MINNESOTA: Wasiirka Cusub ee Waxbarashada Puntland oo Xaflad Sagootin ah loo sameeyay (DAAWO)


Talaado, Juun 23, 2015 (HOL) — Abshir Aw-Yuusuf Ciise oo dhawaan loo magaacabay wasiirka waxbarashada iyo tacliiinta sare ee Puntland ayaa kulan sii sagootin ah loogu sameeyay gobolka Minnesota oo uu daganaa in mudo ah.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Xubnaha Jaaliyadda Minnesota, Shaqaalaha International Edecation Center Macalimiinta ,Waalidiinta Iyo Ardaydii soo maray xiliyadii kala duwanaa macalin Abshir  Aw Yusuf Ciise oo ka mid ahaa macalimiinta hore ee dugsiyada sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadii lafooole. gobolkan Minnesotana tan iyo sanadkii 1996 ka soo dhigay dugsiyada kala duwan ee ee gobolkan Minnesota kuwa Dowladda ay maamusho iyo kuwa kalaba isagoo 10 sano ee ugu danbeeyaynayna ka shaqeenayay dugsiga International.

Faysal Guuleed oo ah Maamulaha dugsiga  Dhaxe International ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin magacaabida Macalin Abshir oo ah nin kusoo dhex jiray shaqadaan tacliinta in ka badan afrtan sano loona baahan yahay maanta in aqoontiisa wuu uga shaqeeyo dalkii hooyo.

Sh. C/salaam Shariif Aadan oo ka mida culumada gobolka iyo waliba Macalamiinta dugsiyada dadwaynaha ee magaalada St Paul oo isna hadlay ayaa ugu duceeyay in ilaah xilkiisa u fududeeyo waxuuna sii raaciyay in hadii la doonayo in Soomaaliya ay dib u soo noqoto meelaha laga bilaabayo ay koow ka tahay waxbarashadu waana in mudnaanta la siiyaa.

DAAWO: Xafladdii Sagootinta ahayd ee loo sameeyay W/Waxbarashada Puntland:
 

C/weli Gaas oo ka mida waxgaradka Soomaalida Minnesota ayaa wasiirka cusub faray in ku daadaalo waxbarashada reer miyiga una sameeyo dugsiyo guur guura. Waxuuna kaloo ku adkeeyay in dhalinyarada loo abuuro dugsiyo lagu barto farsamada gacanta tasoo mustaqbalka shaqooyin u abuuraya.

Waxaan u hanbalyeenayaa abshir shaqadiisa cusub ee wasiirka waxbarashada  waxaad doorateen qof wax idin tari doona waxaad dooradeen qof idiin wadaya xaga saxda ah waa hogaamiye waxbarasho ilmahiinana wax wayn ku soo kordhin doona waxaa sidaa yiri Dr.Randel Eckart oo hore maamule uga ahaan jiray dugsiyadii wuu abshir ka shaqeenayay

Waxaa iyaguna ka hadlay goobta dad kala duwan oo abshir u rajeeyay nasiib fiican waxaa ka mida Kelli Simth, Nicole Nelson, Abdalla Qaadi, Hon Safia Abdi Nuur, Muse Xasan Galac, Maxamed Xasan Abgaalow, Xalimo Farah Cade

Wasiirka cusub ee waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland Soomaaliya ayaa jaaliyadda Soomaalida Minnesota ay ku xusuusan doontaa in ahaa xiliga danbe iyo maalmaha fasax-yada wuu caawin jiray ardayda Soomaaliyeed heerar kala duwan lahaa sida waxbarashada sare, tan dugsiyada kala duwan,

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minnesota Minneapolis