4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
WAR-SAXAAFADEED: Sirdoonka Somalia oo ka warbixiyay weeraro ay ka Fuliyeen Baardheere

Isniin, Juun 22, 2015 (HOL) — Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Somalia ee NISA ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saartay kaga warbixisay howlgalkii ay sheegtay inay Ciidamdeeda ka fuliyeen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay Gacanta ku Hayso Al-shabaab.

Weerarkan ayay NISA ku sheegtay inay u adeegsatay bam-gacmeedyo iyo garneyllo, sidoo kale warbixinta NISA ayaa lagu xusay inay Goobta la Weeraray ay ku Sugnaayeen Sarakiil ka tirsanaa oo ay ka mid ahaayeen; Madaxa Siyaasadda & Gobollada Al-shabaab, Waaliga Al-shabaab ee Gobolka Gedo, Madaxa Xabsiyada Al-shabaab iyo kuwo kale.

Haddaba; Halkan ka AKHRISO Warsaxaafadeedka ay soo saartay Hay’adda NISA:

Hiiraan Online, News Desk