4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
Madaxda Maamulka Khaatumo iyo Waxgarad Cambaareeyay Falkii lagu Gubay Taawaro Isgaarsiineed

Isniin, Juun 22, 2015 (HOL) — Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka iyo kuwa Maamulka Khaatumo ayaa wax laga noxo ku tilmaamay beegsiga shirkadaha isgaarsiinta, taasoo ka danbeysay kaddib markii 19-kii bishan ay Ciidammo ka amar-qaata maamulka Khaatumo gubeen Taawarro ay lahaayeen shirkadaha Is-gaarsiinta ee TELESOM IYO SOMTEL.

Garaad Abshir Saalax ayaa isagoo ku sugan deegaanka Widhwidh wuxuu sheegay in falkii dhacday uu ahaa mid laga xumaado; isagoo xusay in la baabi’iyay hanti ay dadka deegaanku leeyihiin.

Sidoo kale, waxaa deegaanka Horu-fadhi ee dhibku ka dhacay isagoo ku sugan ka hadlay arritan Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Khaatumo Keyse Cabdi Yuusuf oo sheegay hadal ka duwan kii Wasiirka Warfaafintu ku sheegtay inay falkaas iyagu ka dambeeyeen.

“Waxaan raalligelin u dirayaa madaxda shirkadaha Telesom iyo Somtel, shaqaalaha iyo macaamishaba, waxaana leeyahay wixii dhacay waa fal xun, mana ahan waxaan maamul ahaan isku ogeyn; waana laga wadahadli doonaa," ayuu yidhi Keyse.

Isagoo sii hadlaya Keyse Cabdi Yuusuf ayuu wuxuu xusay in hantida ay leeyihiin dad Reer Buuhoodle ah ama Gobolka Cayn, ayna waajib u leeyihiin in hantidooda loo badbaadiyo, lana ilaaliyo.

Hadaladan ayaa kusoo beegmaya xili ay horey mas’uuliyiin maamulka Khaatumo ka tirsan ay ku dhawaaqeen in Shirkadda TELESOM  loola dagaalamo sida gaadiidka dagaalka ee Somaliland, mas’uuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo, C/lla Caga-lule iyo Wasiirka Warfaafinta Gacmayare, waxayna tani ifinaysaa khilaaf lagu kala duwan yahay tallaabada oo maamulka Khaatumo la soo daristay.

Ugu dambeyn, Qaar ka mid ah qaybaha bulshada ayaa faallooyin kala duwan ka bixinayay tallaabada lagu gubay baraha is-gaarsiinta, waxayna afka ku adkaynayaan in tani ay lumin doonto taageeradda bulshadu u hayso Khaatumo, halka qaar kalena ay bidhaaminayaan in maamulka Khaatumo aanay xog badani ka dhexeyn.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool