4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
Guddoomiyaha BF Somalia oo Cadaado ka furay Kalfdhigii Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug (SAWIRRO)


Isniin, Juun 22, 2015 (|HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Maanta Magaalada Cadaado uga Qayb-galay Munaasabad lagu dhaarinayay Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo ka kooban Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Cadaado ayaa waxaa ka Qayb-galay Wasiirro, in ka badan 30 Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Somalia ah, Odayaal dhaqameedyada soo xulay Baarlamaanka maamul-goboleedka Galmudug, musharaxiinta u Tartamaya xika Madaxweynaha maamulka, Guddiga Farsamada iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada maamul u sameynta Gobollada dhexe ee Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa Munaasbadda ka jeedisay Khudbad ay ku Faahfaahineysay Marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha maamulkan uu soo maray; iyadoo xustay in guddiga farsamada ay guul weyn u tahay inay soo Gunaanadaan hawshii loo xil-saartay oo xilka ay ku Wareejiyaan Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo isna khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaa Gudaha ay aad ugu Faraxsan tahay guusha maanta laga gaaray dhismaha maamulka Gobollada Mudug iyo Galgaduud; wixii hadda ka dambeeyana ay Wasaaraddu u soo jeesan doonto dhismaha maamulka Gobollada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, isagoo u u mahadceliyey maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug oo Heshiiskii ay Muqdisho ku Saxiixdeen maamulkan lagu dhisay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jawaari oo isaguna khudbaddii ugu dambeysay ka jeediyay Munaasabadda ayaa ugu horreyn ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka maamul-goboleedka Galmudug, isagoo dhanka kale tilmaamay inay farxad weyn u tahay in maanta uu si rasmi ah u dhaqan-galay Hannaanka lagu dhisayo Maamullada Gobollada dalka oo horey loogu dajiyay Gobollada Koonfur-galbeed oo aanay meel-marin, balse maanta laga Hir-geliyay Gobollada Dhexe.

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah loo dhaariyay intooda badan; waxayna durbaba guddoon KMG-ka ah u doorteen xildhibaanka ugu da'da weyn oo noqday Xildhibaan C/laahi Xaashi Warsame; iyagoo maalmaha soo socda dooran doonaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha maamulka cusub ee Galmudug.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya