4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
WARAABE: Shantii Sano Way Dhamaatay Hadda Kaddib Waa in La dhiso Dawlad Midnimo Qaran


Isniin, Juun, 22, 2015 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay ka fursanayn in dawlad ku meel gaadh oo xilka gaadhsiisa doorasho la soo dhiso.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in gabi ahaanba la joojiyo wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay kala qaybinayso shacabka Somaliland.

“Somaliland waxay maraysaa Is-goys, waxaa ina hor yaala arrimo badan. Arrimahaas waxaa loo baahan yahay in wada jir looga tashado, haddaan arrimahaas la dhammayna waxaan filayaa inaanu mustaqbalka Somaliland qurux badnaanayn” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay safar shaqo uu uu dibada ugu maqnaa.

Mar uu ka hadlayey fulin la’aanta heshiishkii dhexmaray saddexda xisbi iyo xukuumadda iyo go’aankii uu guurtiddu ku adkaysanayso waxaanu yidhi “Waxaynu ognahay in heshiis ay gaadheen saddexda xisbi,, heshiiskaa in la hirgaliyo weeye.madaxweyne xigeenku wuu nala saxeexay heshiiska,taa macnaheedu xukumadduna way ku jirtaa weeye,haddaanay dee kala socon madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenku laakiin, waxaan filayaa in xukumaddu ku midaysan tahay rayigaas. Ilaa hadda doorashadii way laalan tahay,waxay ahayd in lagu talaabsado meel marinta heshiiska saddexda xisbi”.

Gudoomiyaha Ucid waxa uu ku dooday in la sameeyo dawlad wadaag ah inta lagu jiro muddada lagu heshiiyay in doorasho ku dhacdo “muddadaas sanadka iyo 6-da bilood ah waa in la qabto hawlo badan. Waxa ugu horeeya hawlahaas in dawlad la sameeyo, sababtoo ah dawladdan waxay muddo xileedku ka dhammaanaysaa 26-ka June 2015,”ayuu hadlkiisa raaciyey.

 “Madaxweynuhu markuu hadlayay wuxuu yidhi dalku sharci buu leeyahay. Waa run oo sharci buu leeyahay, dastuur buu leeyahay laakiin maaha dastuurku in wixii isaga taabanayana ka boodo wixii kalena sheego maaha. Dastuurku wuxuu leeyahay 5 sannadood ayaa madaxweynaha la dhaariyay, shantii sannadood way dhammaadeen. Hadda wixii ka dambeeya dawlad midnimo qaran in la dhiso ayaa loo baahan yahay”ayuu yidhi Waraabe oo u jawaabayey hadal ka soo yeedhay madaxweynaha oo sheegay in khilaafka Guurtidda iyo xisbiyada u dhexeeya lagu dhamaynayo sharciga dalka.

Dhinaca kale,Faysal Cali Waraabe ayaa soo jeediyey in gabi ahaanba la joojiyo wada hadalkii hore ugu socday Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo Soomaliya ku eedeeyey inay fashilantay, isla markaana Somaliland doonaysa inay kala qaybiso. Isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in la joojiyo wada hadalka Somaliland iyo Somalia,maadaama aanay xagaas dawladi ka jirin, maadaama xukumadda Xasan Sheekh hadda ku hawlan tahay waxyeeladda Somaliland oo aanay wada hadal u jeedin, maadaama aanu aragno in shaadhkii Soomaali loo tolay u gali waayay oo ay fashilantay Somalia oo maamul goboleedyadii fashilmeen, oo uu noqday shaadh qolo kaliyi soo tolatay oo uu qoladii soo tolatay mooyee intii kale leekaan waayay.markaa inta xukumaddan sidata buuggii Somalia ee ku hawlan qayb-qaybinta Somaliland iyo inay iska horkeento waxaa loo baahan yahay in wada hadalka la joojiyo”.

Si kastaba ha ahaatee, xilkii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa ku eeg bishan June 26-keedda, iyadoo ahayd inta aan la gaadhin maalintaasi in laga heshiiyo muddo kordhinta loo samaynayo, iyadoo xisbiyadda iyo xukuumaduba ka heshiiyey balse ay heshiishkasi ku gacan saydhen golaha Guurtidda oo awood u leh muddo kordhinta xukuumadda.

Xisbiyada mucaaradka ayaa ku doodaya in inta aan la gaadhin 26 june  oo maalmo kooban ka hadhsan yihiin in la fuliyo heshiishki xisbiyadda iyo xukuumaddu ka gaadheen muddo kordhinta iyo wakhtiga doorashaddu dhacayso, haddii kalese aanay aqbli doonin inay xilka sii hayso xukuumadan wakhtigu ka dhamaaday.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland