4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2015
Nabaddoon kale oo Goor-dhaw lagu Dilay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan


Isniin, Juun, 22, 2015 (HOL) -- Rag bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw meel aan wax badan ka fogeyn gurigiisa xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne, waxaa ay ku toogteen Alle u naxariisteen nabadoon Xassan Aadan Ibraahim '' Xassan Oog''

Dad goob joogayaal ahaa ayaa HOL u  sheegay in maqribnimadii caawa rag hubeysan toogasho ku dilleen marxuumka xili uu ku sii jeeday gurigiisa, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Nabadoonka la dillay oo ahaa nin dhalinyarro ah waxaa uu ka mid ahaa waxgaradka magaalada gaar ahaan gollaha dhaqanka gobolka Hiiraan, waxaana ay walaalo ahaayeen duqa degmada Beledweyne Cumar Aadan Ibraahim [Cumar Baadiyoow]

Ilaa iyo hadda lama oga cidda ka danbeysa dilka marxuumka, waxaana xusid dilkan  uu noqonayo kii labaad maalin uun kaddib markii siddan oo kale dhalinyarro bastoolado ku hubeysan ku dilleen meel aan ka fogeyn gurigiisa nabadoon Muumin Barre.

C/raxmaan Diini, Hiiraaan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya