4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
Dowladda Kenya oo Maanta fasaxday Xawaaladihii Soomaalida ee ay horay Xayiraadaha u Saartay


Isniin, Juun 22, 2015 (HOL) — Waxaa maanta Dib loo Furay Xawaaladihii ay Horay ugu soo rogtay Dowladda Kenya, kaddib markii Bangiga Dhexe ee Kenya oo fulinaayay amar dhawaan kasoo baxay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta maanta fasaxay xawilaadaha inay dib u shaqo billaabaan.

Maxamed Xasan Nuur (Gar-yare) oo ah xog-hayaha guud ee Ururka Shirkadaha Lacagaha xawilo ee Kenya, ayaa Hiiraan Online u sheegay in dhamaan dib loo furay Xawaaladihii Soomaaliyeed ee Bishii April ay xirtay Dowlada Kenya.

Gar-yare oo ay HOL weydiisay inay jiraan wax Sharuudo ah oo lagu Xiray Furintaanka Xawaaladaha ama dambiyo, ayaa sheegay in aynan jirin wax dambi ah oo lagu helay madaamada dowlada Kenya ay horay u sheegtay iney baari doonto shirkadaha, isla markaasna wuxuu cadeeyay in aynan jirin wax sharuud ah oo la xiriiro dib u howl-galitaankooda.

"Ma jiraan sharuudo nalagu xiray, sidoo kale ma jiraan wax dambiyo ah oo lagu helay xawaaladaha intii ay xirnaayeen", ayuu yiri Maxamed Xasan oo intaas ku daray in dowlada Kenya ay baari kareyso shirkadii ay ka shakiso ayadoo howsheeda wado.

Sidoo kale, Garyare wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya, iney si toos ah ula xiriiri karaan laamaha xawaaladahaas ay ku leeyihiin xaafadaha kala duwan ee magaalooyinka waa weyn ee Kenya, wuxuuna ka raalli galiyay xiligii ay xanibaada ku jireen.

Dhanka kale, Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, ayaa soo dhaweyay furitaanka Xawaaladaha.

Maxamed Cabdullaahi C/raxmaan oo kamid ah dhalinyarada ku dhaqan xaafaada Islii, isla markaasna ka mid ah dadka Xawaaladaha lacagta loogu soo diri jiray, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay dib u furista xawaaladaha.

Wuxuu intaas ku daray in xiligaan Ramadaanka ah ay dad badan ku adkeyd iney Soomaan maadaama uu sheegay in ayanan haysanin meel ay ka helaan lacago markii hore wadamada Yurub iyo America looga soo diri jiray.

Xukuumadda Kenya ayaa xirtay Xawaaladaha Somalidu ay ku lahaayeen dalkeeda 7-dii Abriil ee Sanadkaan xiligaasoo Kenya ay fariisisay Xisaabaadka 86 accounts oo Bangiyada Kenya ay ku lahaayeen shaqsiyaad Somali ah, Ururro, Shirkado Basas, Hoteel iyo 13 Xawaaladood kuwaasoo Kenya ay ku eedeysay in lacago loogu diri jiray Ururka Al Shabaab ee Somalia ka dagaalamo.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Nkaissery oo amarka Xisaabaadkaas lagu xiray uu xafiiskiisa kasoo baxay shan cisho kaddib markii 2- April ee Sannadkaan ay Al-shabaab ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarisa weerar ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 150 qof, halka in ka badan 80 kalana ay ku dhaawacmeen, ayaa ku armay Bangiyada waa weyn ee Kenya in aynan adeegyo siin karin Xawaaladaha iyo waliba shaqsiyaadka xayiraadaas lagu soo rogay.

Si kastaba ha ahaatee Shirkadaha maanta dib loo furay oo mudo saddex billood ah xirnaa, ayaa waxaa lacago loogu soo diri jiray dad fara badan oo ku dhaqan Kenya, kuwaasoo bil kasto lacago biil ah ka qaadan jiray.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya