4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
Rag la sheegay inay Al-shabaab kasoo goosteen oo Boosaaso lagu soo bandhigay
Isniin, Juun 22, 2015 (HOL) —Labo nin oo la sheegay inay horay uga tirsanaan jireen Al-shabaab, islamarkaana dhowaan isu soo dhiibey laamaha amniga Puntland, ayaa maanta magaalada Boosaaso warbaahinta loogu soo bandhigay.

Nimankan oo walalo ah waxaa lagu kala magacaabaa Yuusuf Xasan Axmad Fil-fil iyo Yaasiin Xasan Axmad Fil-fil.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Gallan) ayaa sheegay in dowladdu si wanaagsan usoo dhoweysey Yuusuf iyo Yaasiin maadaama ay ka waantoobeen go'aankii khaldanaa ee ay horay u qaateen, waa sida u hadalka u dhigaye.

Mudane Dhedo wuxuu sidoo kale baaq u diray xubnaha Al-shabaab ee weli ku sugan buuraha Golis, isagoo xusay in ciddii ka waantowda afkaarta xag-jirnimada cafis loo fidin doono.

"maanta laga bilaabo raggan waxaa loo oggolaanayaa inay si nabad ah magaalada ku joogaan oo ay dib noloshoodii caadiga ahayd u ambaqaadaan...xubnaha kale ee Al-shabaab waxan leenahay weli fursad ayaad haysataan ee ka faa'iideysta" ayuu yiri.

Dhowr mar oo hore ayaa sidan oo kale magaalada Boosaaso loogu soo dad la sheegay inay horay uga tirsanaayen Al-shabaab kuwaasoo dowladda isu soo dhiibay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya