4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Galmudug oo lagu dhaariyay Hoolka Shirarka Cadaado


Isniin, Juun 22, 2015 (HOL) — Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Cusub ee Galmudug ayaa maanta lagu dhaariyay hoolka shirarka ee Cadaado; iyadoo dhaarinta ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo odayaashii soo xulay xildhibaannadan.

Xildhibaannada la dhaariyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 68-xubnood oo ka mid ah 85-xxubnood ee uu baarlamaanka maamulkaas ka koobnaan doono, iyadoo xubnihii joogay xafladda ay ka mid ahaayeen; guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof. Jawaari, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, C/raxmaan Odawaa iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo ka hadlay munaasabada dhaarinta ah ayaa xusay in tallaabadan ay tahay mid horumar leh, ayna shacabka ku nool Gobollada dhexe ee dalka ay ka go’an tahay inay yeeshaan maamul matala.

Mudanayaasha maanta la Dhaariyay Maamulka Cusub ee Galmudug ayaa la sheegay inay buuxiyeen dhamaan shuruudihii looga baahnaa xildhibaanka baarlamaanka maamulkaas ka mid noqonaya.

Waxaa la filayaa isla maanta inay kulankodii 1-aad yeeshaan xildhibaanada lagu dhaariyay degmada Cadaado, si ay u soo doortaan Guddoomiyaha KMG-ka ah ee shir-guddoominaya kulammadooda, inata ay ka dooranayaan Guddoomiye Cusub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya