4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Cadaado


Isniin, Juun 22, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Cadaado, si ay uga Qayb-galaan dhaarinta xildhibaannada maamulka loo dhisayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Prof. Jawaari iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka deegaankaas, xildhibaannada maamulka Galmudug iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia.

Sidoo kale, magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda qabanqaabada xafladdii lagu dhaarin lahaa xildhibanada Maamulka Galmudug, kuwaasoo intooda badan lasoo gudbiyay, iyadoo la filayo in kuwa dhimanna lasoo gudbiyo.

Maanta ayaa waxaa kaloo lagu wadaa in xildhibaannada maamulka Galguduud iyo Mudug ay yeeshaan kulankoodii ugu horreeyay oo ay ku dooranayaan guddoomiyaha KMG ah oo shirarka guddoomin doona inta laga dooranayo guddoonka golaha.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa hadal ka jeedin doona xafladda kaasoo uu kula dardaarmayo xildhibaanada Galmudug ee maanta la dhaarinayo, waxaana lagu wadaa in sidoo kale ay halkaas ka hadlaan xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya