4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
SAWIRRO: Koobka Ramadaanka Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika oo ka Furmay Pretoria


Isniin, Juun 22, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu Furayay Koobka Kubadda Cagta ee lagu maamuusayo dhalashada bisha Ramadaan ee barakeysan oo ay iska kaashadeen, Safaarada Soomaaliya, ururka dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee Waddanka Koonfur Afrika iyo Shirkadda Advance Cash & Carry oo ay leeyihiin wallaalaha Hindida muslimiinta ah ee Koonfur Afrika ayaa ka furmay Garoonka Kubadda Cagta ee Pilditch Stadium ee kuyaala magaalada caasimadda ah ee Pretoria.

Munaasabada ayaa waxaa ugu horeyn furay milkiilaha shirkadda Advance Cash & Carry mudane Yuusuf Kaala oo xagga qarashaadka ku baxaya qabsoomida Koobkaani Kubadda Cagta ee Ramadaanka suurtagaliyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kala qeyb qaato dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika Koob ciyaareedkaan lagu maamuusayo bisha Ramadaan ee barakeysan.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika Bashiir Goobe oo ka hadlay Xafladda Furitaanka ayaa xusay inay si weyn uga Mahad-celinayaan Yuusuf Kaala iyo Shirkadiisa Advance Cash & Carry ee dhaqaalaha ku bixiyay sidii uu u qabsoomi lahaa koob ciyaareedkaan lagu maamuusayo bisha Ramadaanka ee ay ka Qayb-qaadanayaan dhalinyaro ka kala socota qaar ka mid ah gobalada Koonfur Afrika.

Madaxa Dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika mudane Cabdi Xalane Xirsi oo ka Qayb-galayay Furitaanka Koobka Bisha Ramadaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in safaaraddu ay had iyo jeer garab taagan tahay bulshadeeda barnaamijyada nuucaan ahna ay kala qeyb qaadaneyso ayna aheyn markii ugu horeysay ee ay ka qeyb qaataan Koob Cayaareed lagu maamuusayo bisha Ramadan ee barakeysan.

Koobkaani Kubadda Cagta ee lagu Maamuusayo Bisha Ramadan ee Barakeysan ayaa la filayaa inay ka qeyb qaataan illaa lix kooxood kuwaasoo la gudoonsiin doono abaal marino kala duwan maalmaha ciida Soonfur ee soo socda sida ay balan qaadeen gudiga qaban qaabada ee Koobkaani Ramadan-ka.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Pretoria, South Afrika