4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
Guddoomiyaha Baarlamaanka FS oo Maanta ku Wajahan Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud


Isniin, Juun 22, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa kusii jeeda Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoo kaga qayb-geli doona dhaarinta iyo kulankii ugu horreeyay oo la filayo inay maanta ka dhacdo degmadaas.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Prof. Jawaari uu khudbad ka jeedin doono xafladda dhaarinta xildhibaanada baarlamaanka maamulka cusub ee Galmudug, isla markaana uu siiyo talooyin ku aaddan waajibaadkooda.

Xildhibaanada maamulka cusub ee Galmudug ayaa dhaarintooda kaddib waxay dhexdooda iska dooran doonaan guddoomiye KMG-ka ah oo shirarkooda guddoomin doona inta ay ka dooranayaan gudoonka rasmiga ah ee baarlamaanka Galmudug, waxaana loo dooran doonaa guddoomiyaha KMG ah ninka ugu da’da weyn

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa waxaa ka socda diyaar-garowga lagu soo dhaweynayo Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo sidoo kale dhaarinta xil-dhibaananda baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Dhanka kale, Cadaado ayaa Waxaa Maalmihii lasoo Dhaafay ka Soconayay Dhameystirka maamulka Galmudug, iyadoo lagu wado in inta lagu jiro bisha Ramadaan la dhameystiro dhismaha maamulkan, sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia.

Ugu dambeyn doorashada afhayeenka baarlamanka Maamulka Galmudug, Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa la filayaa inay ku dhacdo muddo labo toddobaad gudahood, sida ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya