4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2015
Hay'adda Nabadsugida Somalia oo sheegay inay weerartay saldhig ku yaalla degmada Baardheere


Isniin, Juun 22, 2015 (HOL) — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somaaliya ee NISA ayaa sheegtay in Ciidamadooda gaarka ah ay Weerareen Saldhigga degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Warbixin ay hay’addu dhigtay Twitter-keeda ayay ku sheegtay inay Bambooyinka gacanta laga tuuro ku weerareen saldhiggii hore ee Baardheere oo ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Yuusuf Xaaji.

Sirdoonka Somalia ayaa warbixintooda ku xustay in weerarkan uu jawaab u ahaa weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday shalay oo aroortii hore xarun ay tababarka ku qaataan ciidamada nabadsugidda Somalia oo ku taalla degmada Shibbis ee gobolka Banaadir.

Nabadsugidda Somalia ayaa warbixintooda ku xusay in weerarkaas ay khasaarooyin kale ku gaarsiiyeen Al-shababa, iyagoo xusay in ciidamadoodii oo nabad ah ay dib ugu soo laabteen halkii ay duullaanka ka qaadeen.

Inkastoo warkan lagu daabacay barta Twitter-ka NISA ayaanay haddana jirin wax mas’uul ah oo ka tirsan sirdoonka Somalia oo arrintan si toos ah uga hadlay, waana markii ugu horreysay oo ay dowladda Somalia sheegtay inay weerarto saldhig ay ku leedahay Al-shabaab  deegaannada ay gacanta ku hayso.

Ugu dambeyn, Al-shabaab oo gacanta ku haysa degmada Baardheere ayaan weli ka hadlin weerarka ay hay’adda nabadsugidda Somalia sheegtay inay ka geysatay gudaha degmadaas ayna ku dileen sarkaal ka tisran Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya