4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
Jadwalka Dhameystirka Dhismaha Maamul Goboleedka Galmudug oo Caawa la Shaaciyay


Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fedaraalka Soomaaliya ayaa caawa shaacisay Jadwalka Dhameystirka Maamulka Galmudug iyo Dooroshooyinka mas'uuliyiinta Maamul-goboleedka loo Sameynayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa u mahad-celiyay Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Farsamada, Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Saaxiibadda Caalamka ee sida hufan uga Qayb-qaatay dhismaha maamulka Gobolladda Dhexe.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Tilmaamay in muddo Laba Todobaad Gudahood ah la Qaban-doono Doorashooyinka Guddoonka Baarlmaanka, Madaxweynaha iyo ku xigeennadiisa.

Odawaa ayaa sheegay in berri ah la dhaarin doono inta badan xildhibaannada loo soo xulay Baarlamaanka Maamulka Cusub ee Galmudug, kaddibna waxaa la guda-geli doonaa sidii ay u soo dooran lahaayeen mas’uuliyiinta maamulkan cusub.

JADWALKA DHAMEYSTIRKA DHISMAHA MAAMULKA GALMUDUG:

21/6/2015 - Sameynta Kaararka Aqoonsiga Xildhibaannada
22/6/2015 - Xafladda Dhaarinta Xildhibanadda, Magacaabista Shir-guddoon KMG
24/6/2015 - Sameynta Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka
27/6/2015 - Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka Maamulka
29/6/2015 - Sameynta Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa
30/6/2015 - Qabashadda Liiska Murashaxiinta Madaxweynenimo
02/7/2015 - Dhageysiga Qudbooyinka Musharraxiinta Tartamaya
04/7/2015 - Doorashadda Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa

Ugu dambeyn, jadwalkan ayaa imaanaya iyadoo xalay si rasmi ah loo shaaciyay 60 ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, iyadoo Guddiga Farsamadu ay ka Dhawaajiyeen in Xildhibaannada Harsan lasoo dhameysitayo maanta oo Axad ah; inkastoo aanay weli shaacin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya