4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
C/KARIIN GUULEED: Dastuurkii la Ansixiyay Waa mid u Adeegaya Bulshada Gobollada Dhexe


Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Musharraxa Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe ee Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku tilmaamay Dastuurkii dhawaan la Ansixiyay ee uu yeelanayo maamulka gobollada Galguduud iyo Mudug mid u adeegaya bulshada ku dhaqan deegaannada la fillayo in maamulku ka arrimiyo.

Isagoo warbaahinta kula hadllayay magaalada Cadaado ayuu sheegay C/kariin in Puntland aysan shareysan dastuurka maamulka gobollada dhexe oo ah sida uu hadalka u dhigay mid ka shaqeynaya Nabadgalyada iyo Daris-wanaagga guud ee maamulada Ood-wadaaga ah.

“Annaga ma aragnno Aragtida Maamulka Puntland ay qabto ee ah in dastuurka maamulka gobollada dhexe ee dhawaan la Meel-mariyay uu horseedayo dadka deegaannadaas colaad, laakiin taas badalkeeda waxaa is leenahay waa Dastuur ka Shaqeynaya Nabadda iyo Daris-wanaaga, una horseeda bulshada deegaannadaas hormar iyo inay meel isaga riixaan muran siyaasadeedkii mudada dheer jiray, siddaa daraadeed waxaan leenahay Puntland ma'aha in ay shareysato maamulka dhismaha iyo dastuurka la meel-mariyay intaba," ayuu Guuleed ku yiri hadalkiisa.

Musharaxa ayaa sidoo kale ku tilmaamay deegaannada lagu waddo in maamulku loo dhiso ee Gobollada Dhexe halbowle Somalia oo idil, Wuxuuna intaas raaciyay in Puntland looga fadhiyo inay u diyaar garoowdo sidii ay amni ugula noolaan lahayd maamulkaas.

“Waxaan is leeyahay micno badan ma sameyneyso in la shareysto Dadweyne ka tashanaya ayaahahooda si uu ku dhisan yahay dastuurka iyo Axdiga KMG ah ee dalka, sidaa awgeed Puntland taas badalkeeda waxaa habboon inay ka shaqeyso sidii ay Mustaqbalka Ammaan ugu wadda noolaan lahaayeen maamulka Gobolladaas lagu waddo in loo dhiso,” ayuu mar kale yiri C/kariin Guuleed.

Ugu dambeyn, War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu Sheegay in dastuurkii dhawaan la Ansixiyay uu colaada ka dhax abuuri karro dadka mandiqada kuwa wadda nool, siddaa daraadeed arrintaa dib looga fiirsado.

Maamulka Gobollada dhexe ayuu sheegay mushararxu uu Noqon doono mid Bud-dhig u noqda Axadi-gobolleed hufan oo la isku wadda raacsan yahay, gacan weynna ka geysan doonna hiigsiga 2016ka iyo in dalka doorasho ka dhacdo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya