4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Koox hubeysan ayaa saaka aroortii ku Toogtay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, Anwar Xaaji Dayib Haaruun oo ahaa Qasnajigii guud ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somalia, iyadoo Kooxaha dilkan geystay ay markiiba baxsadeen.

Toogashadan Anwar Xaaji oo ahaa qasnajigii xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay ku-simaha RW Somalia, Cabdullahi Axmed Jamac Ilka-Jiir, maamulka xafiiska, agaasimayaasha waaxyaha iyo dhammaan shaqaalaha xafiiska RW, waxay tacsi u dirayaan ehelkii, Asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Anwer Xaaji Dayib Haaruun oo ka tirsanaa xafiiska RW, kaasoo saakay dableey hubeysan ay ku dileen meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

“Waa fal laga naxo oo meelna raad kaga lahayn Islaanimada iyo Adaaminimada. Waxaan dareemayaa xanuunka uu leeyahay dilka noocaan ah oo lala beegsanayo dadka bulshada dhexdeeda wax kusoo biirinaya, Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Qoysaskii iyo Qarabaadii uu ka baxay marxuum Anwer Xaaji oo ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan shaqaalaha Xafiiska RW Somalia,” ayuu yiri Ilka-jiir.

Sidoo kale; Wasiirka Cadaaladda Somalia ayaa intaas ku daray. “Waxaan Sidoo kale la Qayb-sanaynaa murugada Qoysaskii iyo asxaabtii ay is-jeclaayeen, RABBI ha u naxariis-tee marxuumka, Allena waxaan uga baryaynaa inuu samir iyo imaan ka siiyo, Janadii Fardowsa ka waraabiyo.”

“Bisha soon waa bil naxariis iyo farxad u taagan, in la geysto dilkaan naxariis-darada ah bishaan Barakeysan ee Ramadaan Gudaheeda waxay ku Tuseeysaa sida naxariis la’aanta ah ee ay dambiilayaashu u dhibaateynayaan shacabkeenna,” ayuu Ilko-jiir mar kale ku yiri hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Anwar Xaaji Dayib – Qasnajigii Maaliyadda ee Xafiiska RW Somalia ayaa saakay kooxo hubeysan dileen isagoo isku diyaarinayay inuu shaqadiisa u soo baxo, iyadoo kooxaha dilka geystay aan weli la qaban.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya