4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
Madaxweynaha Somaliland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta u Ambabaxay Dalka Itoobiya


Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta u anbaxay dalka Itoobiya halkaasi oo uu sheegay inuu kulamo la yeelan doonno madaxda dalkaasi.

Madaxweynaha oo inta aanu dhoofin la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka muddo la joogaba loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, si danaha labadda dhinac loo sii hagaajiyo.

“Waa dal uu xidhiidh wanaagsan inaga dhexeeyo, waana waajib in marka muddo la joogaba la is xog ogaalo oo laga wada hadlo danaha labadda dal, sidaaa daraadeed sidaas ayaanu ugu anbabaxay safar waxaana ilaahay ka rajaynayaa inuu nagu guuleeyo”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey safarkiisa uu ku tagayo Itoobiya

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay arrimaha khilaafka ee golaha Guurtidda oo aan wali la xalin waxaanu sheegay in dastuurka iyo sharciga dalka u yaala lagu kala bixi doonno.

“Dalku sharci buu leeyahay cid waliba waa inay ixtiraanta shuruucda dalka taas ayaana lagu kala bixi karaa”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey khilaafka Guurtiddu ku qaadaceen heshiishkii xisbiyadda iyo xukuumadda ka gaadheen muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Safarkan madaxweynuhu ku baxay ayaa ah mid aan hore loo sii sheegin, isla markaana si kadis ah ku baxayo.

Haseyeeshe waxa maalmahan jiray dad reer Somaliland oo doonayey inay Itoobiya u baxaan ayaa ka cabanayey safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa oo muddo dhawr toddobaad ah aan u fiiseen Baasbaooradooddii,  inkastoo safaaradda iyo wasaaradda Arrimha Dibadda Somaliland sheegeen inay kala go’ay istiikariskii lagu dhajin jiray Passporadda la fiiseeyo, taas oo ay sheegeen in ay xaliyeen.

Dalka Itoobiya ayaa Passporka Somaliland u fiiseysa, iyadoo ka mid ah dalalka kooban ee ixtiraama Bassporka Somaliland, isla markana wax caqabad ah kala kulmin gudaha dalka Itoobiya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland