4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
Puntland oo Sheegtay in Dastuurka Maamulka Gobollada Dhexe uu Horseedi karo Colaado


Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa ka digay in Dastuurka Cusub ee dhawaan lagu Ansixiyay magaalada Cadaado ee maamulka loogu sameynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud uu horseedi karo Colaado ka dillaaca Gobollada Dhexe ee Somalia.

War -axaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dastuurkan uu tilmaamayo xuduudda Gobolka Nugaal, taasna ay tahay mid nasiib-darro ah, isla markaana ay horay u caddeeyeen in Waqooyiga,  bariga & Galbeedka  Gobolka Mudug ay iyagu ka taliyaan.

Sidoo kale, waxay Puntland xustay in shirka lagu dhisayo Cadaado uu yahay mid horseedi doona dagaal kasoo cusboonaada dadka deriska ah nabadgalyada kuwada nool.

Puntland ay intaa raacisay in dhibaatadii ka timaadda arrintan ay mas’uul ka noqon doonto Dowladda Federaalka Somalia oo ay ku eedeeysay inay hormuud ka tahay dhismaha maamulka cusub ee loogu magac-daray Galmudug.

“Nidaamka Federaalismka waxaa laga weeciyay waddadii uu ku socday oo ay gabi  ahaan ummadda Soomaaliyeed ay heshiis ku ahaayeen. lana doonayay in loogu gudbo habka awoodda ay haysato dowladda dhexe, kaasoo laga dhaxlay burburkii Qaranimada Soomaaliya,”  ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ah musharax u taagan xilka madaxtinimada maamulka Galmudug ayaa sheegay in warka kasoo yeeray Puntland uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana horay ay u baratay Puntland inay baado Dowladda Federaalka Somalia.

Jen. Qaybdiid ayaa sheegay in labada dhinac ay wadahadal ka geli karaan arrimaha taagan, si loo xalliyo muranka ka jira xuduudaha, waxaana uu meesha ka saaray sheegashada Puntland ee inta badan Deegananada Gobolka Mudug.

Ugu dambeyn, maamulka loo sameynayo Mudug iyo Galgaduud ayaa la filayaa in dhawaan la dhameystiro, iyadoo xalay lasoo saaray liiska xubnaha baarlamaanka cusub ee dowlad-goboleedka Galmudug qaarkood, kuwaasoo maanta si rasmi ah loosoo dhameystiri doono, dhawaanna dooran doona madaxweynaha maamulka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya