4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
WARBIXIN: Weerar ay Al-shabaab ku Qaaday Xarun lagu Tababaro Sirdoonka Dowladda Soomaaliya


Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Shan Ruux ayaa ku Dhintay Weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saakay xarunta ay ku tababartaan ciidamada sirdoonka dowladda Somalia oo ku taalla degmada Shibbis ee Gobolka Banaadir.

Weerarkan oo ku billowday Ismiidaamin ayaa waxaa xigtay is-rasaaseyn aad u xooggan oo dhexmartay kooxihii weerarka soo qaaday iyo cidiamada dowladda Somalia.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Somalia ayaa sheegay in saddex ka mid ah kooxihi weerarka soo qaaday lagu dilay halkaas, isgaoo xusay in Xoogagga Al-shabaab aysan u suuro-gelin inay gudaha u galaan xarunta lagu tababaro Sirdoonka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Shibbis oo uu Qaraxan ka dhacay ayaa iyagana lag soo xigtay in weerarka oo qarax ku billowday ay xigeen rasaas, iyadoo ay dadku sheegeen inay arkeen maydadka shan qof oo isugu jiray xoogagii Al-shabaab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda.

“Qaraxu wuxuu ahaa mid xooggan, waxaana xigtay rasaas culus oo socotay muddo dhowr daqiiqadood ah, mana jirto cid gurigeeda ka bixi kartay xilligaas rasaasta oo si aad ah u dhacaysay awgeed… balse waxaan fursad u helnay inay soo baxno markii uu dhammaaday dagaalka,” ayuu yiri Cismaan Nuur oo ka mid ah dadweynaha ku nool degmada Shibbis.

Dhanka kale, warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay Xarunta Sirdoonka Somalia ayaa lagu sheegay ciidamadooda ay ka hortageen aysanna u suurogelin kooxihii soo weeraray xerada inay gudaha u galaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia Maxamed Yuusuf oo isagana ka hadlay weerarka ayaa sheegay in saddex xubnood laga dilay xoogaggii Al-shabaab, isagoo aan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

“Saddex ka mid ah ayaa lagu dilay weerarka, midkood wuxuu ahaa qofkii waday gaariga Ismiidaamiyay, labada kalena waxaa la toogtay iyago isku dayaya inay gudaha u galaan xarunta lagu tababaro ciidamada,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Ugu dambeyn, afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa isaguna sheegay inay weerarkaas ku dileen 10 askari oo ka tirsan ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka Somalia, balse kama uusan hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray weerarka ay qaadeen.

Si kasrtaba ha ahaatee, Weerarkan oo ay sheegatay Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda Somalia ay sheegtay inay adkeysay amniga guud ee Muqdisho, Al-shabaabna ay sheegtay inay xoojinayso weerarrada ka dhan ah dowladda inta lagu jiro Ramadaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya