4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka Dhashay Weerar ay Al-shabaab ku Qaadday Degmada Afgooye


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 15 ka tisanaa Ciidanka Booliiska Somalia ayaa  lagu dilay weerar ay xalay Al-shabaab ku qaaday koontarool ay ciidan ku sugnaayeen oo ku yaalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose oo 30-km u jirta Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Sh. Maxamed Nuur (Siidii) ayaa u sheegay VOA-da in ciidammo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe soo weerareen koontarool ay ciidamada booliiska Somalia ku sugnaayeen, ayna la wareegeen goobta, balse saaka aroortii ay ciidammo ka mid ah kuwa dowladda dib uga saareen.

“Al-shabaab waxay goobta ka qaateen shan gaadiidka booliiska ka mid ah, balse ciidamada dowladda ayaa dib uga soo celiyay mid ka mid ah gaadiidkaas,” ayuu yiri C/qaadir Siidii.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose ayaa intaas ku daray inay xoogaggii Al-shabaab weerar ku qaadeen deegaan kale oo lagu magacaabo God-doofaar oo qiyaastii 40-km dhanka Waqooyi-galbeed kaga beegan Afgooye.

Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa lagasoo xigtay in 10 ka mid ah Ciidamadii Dowladda Somalia lagu dilay weerarkaas, balse guddoomiyaha Gobolka Shabeellada ayaa diiday inuu xaqiijiyo dhimashada ciidamadan booliiska Somalia ka tirsanaa.

Dhanka kale, C/qaadir Siidii ayaa sheegay in Xoogagga Al-shabaab Dagaalladaas ay uga dileen 30 xubnood, inkastoo uusan sheegin sida ay ugu kala geeriyoodeen Weeraradii kala duwanaa ee ay Al-shabaab Qaadday.

Weerarradan ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee ay xoogagga Al-shabaab ku qaadaan deegaannada ay dowladda Soomaaliya ka taliso, iyadoo Al-shabaab ay sannado badan isku dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladda Somalia ee ay taageeraan Ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sannadihii u dambeeyay faraheeda laga bixiyay deegaanno muhiim u ahaa, kaddib weerarro ay ku Qaadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia oo is-garabsanaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya