4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
Liiska Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Cusub ee Galmudug oo la Shaaciyay (AKHRISO)


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Gudigga Farsamadda Maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia ayaa goor-dhow Shaaciyay 60-xildhibaan oo ka mid ah Golaha Xildhibaannada ee uu maamulkan yeelanayo.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha Guddiga Farsamda ayaa ku ammaantay odayaasha dhaqanka sida hufnaanta iyo caddaaladda ah ee ay u soo xuleen qaar ka mid ah Xubnihii baarlamaanka maamulka Galmudug.

“Aad iyo aad ayaan ugu mahad-celineynaa odayaasheenna dhaqanka, dadaal muuqda ayay sameeyeen, waxaa illaa hadda lasoo Gudbiyay 60 Xubnood oo soo buuxiyay Shuruudihii dastuuriga ahaa ee lagaga baahnaa, waxaa harsan tiro aad u yar oo aan ergada ka Codsanay inay kusoo Gudbiyaan ugu dameyn Axadda Berri ah, si ay uga Qayb-galaan Fadhiga ugu horreeya oo Qabsoomi doona Isniinta Toddobaakan,” ayay mar kale tir Xaliimo Yareey oo Warbaahinta kula hadashay degmada Cadaado.

Guddoomiyaha Gudigga Farsamaa ayaa xustay in maalinta Isniinta ah ee nagu soo fool leh la Qaban doono Munaasabadii dhaarinta iyo fariisinta xildhibaanada maamulka Galmudug yeelanayo si ay u gudo-galaan Doorashooyinka.

Ugu dambeyn, xildhibaannadan lasoo gudbiyay magacyadooda ee 60-ka ah ayaa ka mid ah 85-ka xildhibaan ee uu ka koobnaan doono baarlamaanka maamulka cusub ee Gal-mudug, iyadoo xildhibaannada dhimman magacyadooda lasoo gudbin doono maalmaha soo socda, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Guddiga Farsamada.

HADDABA AKHRISO MAGACYADA XILDHIBAANNADA LASOO GUDBIYAY:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya