4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
Booliiskii Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Maanta Lagu Wareejiyay Dowladda Federaalka Somalia


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Degmada Cadaado ayaa Maanta lagu Qabtay Munaasabad Dowladda Federaalka Somalia loogu Wareejinayay ciidamada Booliiska maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo munaasabadaas ay ka Qayb-galeen Saraakiil iyo Taliyayaal Ciidan.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobollada Mudug iyo Galgaduud G/lle sare Maxamed Jimcaale Cosoble ayaa lagu wareegay Saldhigga Booliiska Cadaado iyo Ciidamadii ka Howlgalayay ee booliiska ahaa.

Guddoomiyaha degmada Cadaado, Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Booliiska ay areejinayaan ay muddo ka shaqeynayay saldhigga booliiska Cadaado, sidoo kalena ay jiraan ciidamo badan oo sugayay amniga guud ee deegaannada uu maamulkaas ka talinayay.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Taliyaha Qaybta Booliiska Goballada Mudug iyo Galgaduud inaan lagu xadgudbin ciidamadaas, isla markaana la ilaaliyo xuquuqaadka ciidannimo ee ay leeyihiin.

Dhanka kale, Taliyaha booliiska degmada Cadaado, Xuseen Cumar Muumin oo ka hadlay isaguna munaasabadda ayaa sheegay in qalabka iyo tababarka ciidamadan uu hadda wixii ka dambeeya ay bixin doono dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Col. Maxamed Jimcaale oo booliiska lagu wareejiyay dowladda Somalia iyo Saraakiishooda kula hadlay Saldhigga ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ay ciidamadu ku heli lahaayeen Xuquuqaadkooda ciidan, isla markaana ciidamadani ka mid noqon doonaan wixii maanta ka dambeeya ciidammada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Taliyahan ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadan uu Diiwaan-gelin doono, sidoo kalena loo keenayo direyska ay ku howlgalaan ciidamada guud ee booliiska Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya