4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
Xaruntii Hore ee Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta Si rasmi ah Xarigga Looga Jaray (SAWIRRO)


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya. Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho (Ex Ufficio Governo) oo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir uu dayactiray.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabada maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday isagoo kaashanaya shacabka ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

“Waa inaan u wada-guntanaa mashruuca DALKAAGA DHISO oo haatan kasoo gudbey heerkii fikirka, loona beddeley waxqabad dhab ah oo sida maanta idin muuqataa aan dhex-fadhinno aqal taariikh fog ku leh dalkeena, oo ay dad Soomaaliyeed isku xil-qaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii uu lahaa. Ganacsatada Soomaalida ee dalalka dibedda ku nool waxaan ku boorrinayaa inay dalkooda maalgashadaan, waxayna taasi sahleysaa dib u dhiska iyo shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa ku amaanay maamulka Gobolka iyo degmooyinka, mashariicda kala duwan ee horumarineed ee ay ka dhaqan geliyeen degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

“Muqdisho way kasoo kabaneysaa dhibaatooyinkii badnaa ee lasoo maray, waxayna u gudubtey marxalad cusub oo ay gacan weyn ka geysteen maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo dhammaantood dhalinyaro ah. Dayactirka dhismahan wuxuu qayb ka yahay hawsha wanaagsan ee aan ku ammaanayo gobolka. Waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in dhismahan uu ka dhexeeyo Soomaali oo dhan maadaama ay halkani tahay caasimaddii dalka,’’ ayuu ku daray hadalkiisa Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale sheegay in dowladda dhexe iyo maamulka Gobolka Banaadir ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii dadka hantidooda la haysto dib loogu soo celin lahaa, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka garsoor ee dalka ka jira.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Muun-gaab oo isna halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulku xoogga saaray hirgelinta mashaariicda dhinacyada horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada si loo kaafiyo baahida shacabka ku nool caasimadda iyo goobaha ku dhow.

Waxaa uu intaa ku darey in dhowaan magaalada laga hirgelin doono mashaariic kale oo dhinaca adeegga bulshada la xiriira.

Degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa iyaguna xafladda xarig jarka ahayd kusoo bandhigay Waxqabadkooda, gaar ahaan mashaariicda Horumarinta, is-dhexgalka bulshada iyo kuwo kale.

Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa kaloo kasoo Qayb-galay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaalladda, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), wasiirro, xildhibaanno, dublamaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya