4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2015
Tirada dadkii ku dhntay weeraradii ay sanadkii hore geysteen ISIS & Boko Haram la Baahiyay


Sabti, Juun 20, 2015 (HOL) — Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay tirade dadkii ku dhintay Weerarradii ka dhacay Caalamka Sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka oo keliya.

Ururada Dacish iyo Boko Xaraam ayaa Warbixinta lagu Shaaciyay in ay Sare u Qaadeen weerarradooda sannadkii tagay ee 2014-kii iyo sannadkii ka horreeyay ee 2013-ka, kuwaas lagu dilay dad u badan rayid.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in sannadkii lasoo dhaafay oo keliya lagu dilay weerarrada ay kooxaha xagjiriinta ah geysayaan 32,727,000 oo qof, laguna dhaawaacay 13,500,000. Waxaana lagu xusay warbixinta in meelo kala duwan oo caalamka ay ka dhaceen weerarradan.

Tiradan ayaa ah mid aad uga badan tirada dadkii ku dhintay Weerarradii Sannadkii 2013-ka ka dhacay caalamka lagu dilay, laakiin sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ka digtay in tiradu intaasi ay ka badan karto.

Dadka ugu badan ee ku dhintay weeraradan argagaxiso ayaa la sheegay inay ku noolaayeen dalalka Ciraaq, Suuriya, Nigeria iyo Afgaanistaan oo ay wasaaradu ku tilmaantay meelaha ugu khatarta badan caalamka.

Kooxaha Boko Haram iyo Daacish/ISIL ayaa la sheegay inay yihiin kuwa Weerarradii ugu badbaa ee tiradan faraha badani ku geeriyoodeen, iyadoo aan warbixinta laguba soo qaadin Xarakada Al-shabaab ee Somalia iyo khasaarihii ka dhashay weerarradii ay geystay sannadkii hore.

Ugu dambeyn, Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Daacish ay ku xasuuqday 670-qof oo maxaabiis Shiico ahaa Magaalada Muusil ee dalka Ciraaq, taasoo ah weerarkii ugu dhimashda badnaa ee caalamka dhan ka dhacay sanadkii lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya