4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2015
BAN Ki-moon oo Masuul cusub u magacaabay ku xigeenka ergayga Xafiiska QM ee Soomaaliya


Jimco, Juun 19, 2015 (HOL) — Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa u magacaabay, Peter de Clercq ku xigeenka Ergaygii Arrimaha Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay, isagoo bedeli doona Phillippe Lazzarinni oo xilkan hayay.

Peter De Clercq oo u dhashay dalka Netherlands ayaa sidoo kale waxaa uu noqon doonaa madaxa laamaha Qaramada Midoobay ee isku-dubaridka Gargaarka Bani’aadminimo iyo Horumarinta Barnaamijyada ee UN-OCHA iyo UNDP Soomaaliya.

Sidoo kale, Warbixinta laga soo saaray Xafiiska Ban Ki-Moon ayaa lagu xusay in Phillippe Lazzarini oo u dhashay Waddanka Switzerland xiriiriyaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Waddanka Lebanon.

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay ayaa Lazzarini ugu Mahad-celiyay intii uu hayay xilka ku xigeenka Wakiilkiisa Arrimaha Somalia shaqooyinkii uu Somalia kasoo qabtay.

Dhanka kale, Peter ayaa horay uga soo shaqeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay, isagoo kasoo shaqeeyay dalal ay ka mid tahay Suudaan, isagoo sidoo kalena ahaa 27-kii sano ee lasoo sarkaal ka tirsan Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR.

Ugu dambeyn, Magaacabidda Peter ayaa ku soo Beegmaysa, iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay Bishii May ee Sanadkan xilliga shaqo u kordhiyeen xafiika QM ee Somalia UNSOM, kaasoo saddex libood oo kale ka sii shaqeynaya Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya