4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2015
Hay'adda HARO oo lacag ugu deeqday qaxootiga kasoo cararaya dagaallada Yemen

Jimco, Juun 19, 2015 (HOL) —Hay'adda Humanitarian African Relief Organization(HARO) ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka Ayaa malintii shalay oo taariikhdu ahayd 18-06-2015 ku wareejisay culumada , Mu'asasada Al Minhaaj Puntland deeq lacageed oo dhan 20,000 oo doolar taasi oo ay uga qayb-qaadanayaan gurmadka qaxootiga ka soo cararay dagaalka Ka socda dalka Yamen.

Munaasabada deeqadan  lacageed loogu wareejinaayay culumada iyo Gudiga Qaxootiga Yemen oo lagu qabtay  Xafiiska Mu’asada Al -Minhaaj  ee Bosaso Waxaa Ka qaybgalay  qaar kamid ah culumada , Maamulka Mu'asasada Alminhaaj,Gudiga  Gurmadka Qaxootiga ka sooqaxay Dagaalada Yemen  Iyo Wakiilka Hay’ada ku deeqaday Lacagtan ee Humanitarian African Relief Organization(HARO).
 
Wakiilka Hay'ad Humanitarian African Relief Organization(Haro) Yaasin Cabdulaahi Cali oo daah furay  munaasabada  ayaa sheegay in Hay’ada Haro Ay howshaan u istaagtay markii ay arkeen dhibaatada haysata walaalahooda kasoo qaxay dagaalka Ka Socda Dalka Yamen ee soogaaray Puntland

“Haro oo ah Hay’ad Samafal  oo fadhigeedu yahay Dalka Maraykanka ayaa markii ay arkeen  Walaalahood dhibka haysta , waxa ay u istaageen in wax ka aruuriyaan walaalahood ay wax ka aruurin jiren, si ay uga qaybqaataan dhibka meesha yaala “ Ayuu yiri Yaasiin Cabdulaahi Cali
 
Sheekh Daahir Aw- Cabdi  oo Kamid Culamad Soomaaliyeed Ayaa  Eebe uga baryay madaxda hay'ada Haro iyo cida ay lacagatani ka soo aruuriyeen in uu Eebe ka waraabiyo Janadiisa fardowso , maalkoodana u barakeeyo.

Gudoomiyah Mu’asada Al Minhaaj Maxamed Cabdulaahi  oo kamid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Xafladan ayaa ku amaanay maamulkaa iyo Shaqaalaha hay’ada Haro Xilkasnimo ,Karti ,iyo Amaano

“Maamulka Haro Waxaan ku naqaanaa Xilkasnimo,Karti iyo Hufnaan,anaguna waxaan maanta qiraynaa lacagtaasi in uu nasoogaarsiiyay wakiilka hay’ada Haro ee Puntland,kuna wareejin doono Gudiga Gurmadka Qaxootiga Yamen, Waxaana u cadaynaynaa cidii dhaqaalahaasi lagasooqaaday in nasoogaartay “

Intaa Ka dib wakiilka Haro Yaasin Cabdulaahi Cali waxa uu ku wareejiyay deeqdii lacageed maamulka Mu'asasada Al-minhaaj oo ay horkacayaan culimada , oo iyaguna isla markiiba ku wareejiyay Gudoomiyaha Gudiga gurmadka Sh Axmed Yuusuf Daad.

Gudoomiyha Gudiga Gurmaraka Qaxootiga Kasoo Qaxay Dagaalka Yamen Sheekh Axmed Yusuf Daad oo gabagabadii xaflada ka hadlay ayaa xusay in deqdani aysan ahayn tii ugu horaysay ay hay'ada Haro soogaarsiiso culumada ,  ayna ka filaayaan in aysan noqon tii ugu danbaysay ee ay soogaarsiiyeen .

Deeqdan ayaa kamid ah deeqo kala duwan oo ay soogaarsiinaayaa Gudiga Gurmadka Qaxootiga Yamen Iyo Culumada Shacabka soomaaliyeed ku waasi oo kunool gudaha Dalka iyo Dibadiisa , looguna talagay in lagu caawiyo qaxootiga isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta ee soogaaray deegaanada Puntland.

BAAHIN: HIIRAAN ONLINE