4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2015
AXMED MADOOBE: Khilaafka Jubbaland iyo Dowladda FS Saameyn kuma yeelanayo Hiigsiga 2016-ka


Jimco, Juun 19, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Jubbaland, Sh. Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in khilaafka maamulkiisa kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin Hiigsiga Aragtida 2016-ka ee dalka lagu gaarsiinayo Doorashoooyin madax-bannaan.

Sheekh Axmed Madoobe oo faahfaahin ka bixinayay kulan uu shalay magaalada Kismaayo kula qaatay Ergayga Qarmada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay u ballan-qaadeen inaanu Waxyeelo soo gaarin Qorshaha Hiigsiga 2016-ka.

Hoggaamiyahan wuxuu intaas ku daray inay diyaar u yihiin inay Qaadaan Tallaabo walba oo ku Aaddan sidii Soomaaliya ay uga sii gudbi lahayd Marxalada xilligaan ay ku jirto, una gudubto marxalado ka wanaagsan.

“Wakiilka QM ee Somalia safarkiisu wuxuu ahaa mid shaqo, waxyaabihii aanu kaga hadal-nayna waxaa ka mid ahaa Hiigsiga 2016-ka. Waaxan ka wadahadalnay oo kale khilaafka naga dhexeeya innaga iyo dowlada dhexe. Haddii aan nahay Jubbaland waxaan u maleynaa inaan nalooga baran fogaansho, waxaana isla garanay in wax walba jidkooda la mariyo,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Hiigsiga 2016-ka wuxuu ahaanayaa sidii aan horayba ugu heshiinnay ee ahayd in Soomaaliya doorasho ka dhacdo marka la gaaro sannadkaas, dhankeennana diyaar ayaan u nahay inaan kala shaqeyno sidii loo hirgelin lahaa Hiigsigaan. Waxaan kaloo u sheegnay in khilaafka yar ee nagala dhaxeeya dowladda federaalka aanu saameyn ku yeelan doonin Hiigsigaas.”

Dhanka kale, ergeyga Qaramada Midoobey ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Dhamaadka Bisha July ee Sannadkan 2015-ka lagu Qabanay Magaalada Muqdisho Shir looga hadlayo Hiigsiga Sanadka 2016. Isagoo xusay inay kasoo Qaybgalayaan Dhammaan Maamullada Gobollada, Dowladda FS iyo Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn, Danjire Nicholas Kay ayaa intaas kudaray in dhankiisa uu ku kalsoon yahay in khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Somalia iyo Jubba lagu dhameeyo si hoose, si howlaha horyaalla dowladda loo dhameystiro muddada yar ee hartay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya