4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2015
Deeq lacageed oo la gudoonsiisay Carruur agoon ah oo ku nool Kismaayo


Jimco, Juun 19, 2015 (HOL) — Hay'adda Xamdi Foundation ayaa deeq lacageed gudoonsiiyay carruur agoon ah oo kasoo jeeda qoysas danyar ah, kuwaasoo ay ku adkeyn helidda raashiinka quutul duruuriga ah.

Qoysaskan oo laga soo xulay xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa gaarayay ku dhawaad 63 qoys, waxaana la gudoonsiinayay $50 qoyskiiba, iyadoo deeqdani ay ahayd mid ay siweyn ugu farxeen qoysaskii la gudoonsiiinayay.

Wakiilka hay'adda Xamdi Foundation ee gobollada Jubooyinka Marwo Samsam Yuusuf Colaad ayaa sheegay in deeqdani ay ka timid dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, iyadoo xusatay in ay ugu talogaleen in looga farxiyo carruurta agoonta ah, maadaama lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan.

Gudoomiyaha ururka Haweenka Jubbaland Marwo Batraan Muxumed C/dulle oo iyana hadal ka jeedisay goobta ayaa ugu horeyn u mahadcelisay hay'adda Xamdi Foundation, iyadoo sidoo kale ka codsaday qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka in ay soo caawiyaan waalahooda ku dhibaateeysan gudaha dalka, gaar ahaan carruurta agoonta ah ee aan heeysan wax daryeela.

Waalidiinta carruurtii agoonta ahayd ayaa ka mahadceliyay deeqda lacageed ee ay soo gaarsiisay hay'adda Xamdi Foundation, ayagoo u duceeyay dhammaan dadkii soo sadaqeeysatay deeqda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.